Saturday, August 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh iyo wafdi uu hogaaminayo oo kulan la qaatay Madaxweynaha Puntland.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh iyo wafdi uu hogaaminayo oo kulan la qaatay Madaxweynaha Puntland.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil iyo wafdigiisa ee ku sugan magaalada Garoowe ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu horeeyn, Wasiir Xoosh ayaa Madaxweyne Gaas uga mahadceliyay soo dhaweeynta heerka sare ah ee ay u sameeyeen wafdiga uu hogaaminayo.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ugu baaqay xoogagga siyaasadda inay ku tartamaan aragti iyo barnaamijyo siyaasadeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ugu baaqay xoogagga siyaasadda inay ku tartamaan aragti iyo barnaamijyo siyaasadeed

August 1, 2026
Madaxweynaha JFS oo xaqiijiyay in Soomaaliya ay xeelad iyo xoog u adeegsanayso ka hortagga duullaanka Israa’iil

Madaxweynaha JFS oo xaqiijiyay in Soomaaliya ay xeelad iyo xoog u adeegsanayso ka hortagga duullaanka Israa’iil

August 1, 2026

“Waxa aan kaaga mahadcelinayaa soo dhaweeynta wanaagsan ee aad noo sameeyseen, waana mid nagu dhiiragelineysa inaan ku soo noqono magaaladan” ayuu yiri Wasiirka.

Dhanka kale, AVV Xoosh iyo Madaxweynaha Puntland ayaa kawada hadlay sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta ka dhaxeysa Wasaaradda iyo Dawlad Goboleedka Puntland.

“Waan ognahay doorkii wanaagsanaa ee ay Puntland ka soo qaadatay Geedi-socodkii ansixinta Dastuurka qabyada ah ee la ansixiyay 1 Aug 2012, hadana waxaan idinka rajeyneynaa kaalintii shalay mid ka sii fiican in aad ka qaadataan Ololaha dib u eegista Dastuurka taasoo ku suurtageli karta in aynu xoojino wadashaqeynta inaga dhaxeysa” ayuu yiri Mudane Cabdiraxmaan Xoosh.

Ugu dambeyn,Madaxweynaha Puntland ayaa wafdiga uga mahdaceliyay booqashadooda, sidoo kale wuxuu ku ammaanay Wasiir Xoosh iyo dhamaan shaqaalaha Wasaaradda sida dardarta leh ee ay kuwadaan hawlaha Wasaaradda, waxa uuna ballanqaaday in Puntland ay qayb lixaad leh ka qaadan doonto hannaanka dib u eegista Dastuurka.

—–DHAMAAD—–

Previous Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ugu baaqay xoogagga siyaasadda inay ku tartamaan aragti iyo barnaamijyo siyaasadeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ugu baaqay xoogagga siyaasadda inay ku tartamaan aragti iyo barnaamijyo siyaasadeed

August 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u furay kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo xaqiijiyay in Soomaaliya ay xeelad iyo xoog u adeegsanayso ka hortagga duullaanka Israa’iil

Madaxweynaha JFS oo xaqiijiyay in Soomaaliya ay xeelad iyo xoog u adeegsanayso ka hortagga duullaanka Israa’iil

August 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay adeegsaneyso dhammaan awoodaha diblomaasiyadeed, iskaashiga caalamiga...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO FURAY KALFADHIGA 8-AAD EE BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO FURAY KALFADHIGA 8-AAD EE BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA

August 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u furay Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo si rasmi ah u daah furay Kalfadhiga 8-aad ee Labada Aqal

Madaxweynaha JFS oo si rasmi ah u daah furay Kalfadhiga 8-aad ee Labada Aqal

August 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Waxaa maanta xarunta Baarlamaanka ee Villa Hargeysa si rasmi ah uga furmay, Kalfadhiga 8-aad ee Labada Aqal ee Baarlamaanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In