Saturday, March 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Dastuurka oo la kulmay Madaxweynaha iyo Baarlamaanka Jubbaland-Sawirro

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Dastuurka oo la kulmay Madaxweynaha iyo Baarlamaanka Jubbaland-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Taliyaha Ciidanka XDS iyo mas’uuliyiin kale oo dhiirigelin ugu tegay Ciidanka Gorgor

Taliyaha Ciidanka XDS iyo mas’uuliyiin kale oo dhiirigelin ugu tegay Ciidanka Gorgor

March 7, 2026
𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐦𝐚𝐬𝐡𝐫𝐮𝐮𝐜𝐚 𝐛𝐚𝐚𝐫𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐚𝐫𝐚𝐠𝐠𝐚 𝐞𝐞 𝐢𝐬𝐤𝐮𝐮𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤a

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐦𝐚𝐬𝐡𝐫𝐮𝐮𝐜𝐚 𝐛𝐚𝐚𝐫𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐚𝐫𝐚𝐠𝐠𝐚 𝐞𝐞 𝐢𝐬𝐤𝐮𝐮𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤a

March 7, 2026

Wafidi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa waxa ay la kulmeen Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islmaam (Axmed Madoobe).

Wasiir Cabdi Xoosh ayaa Madaxweyne Axmed Madoobe uga warbixiyay ujeedka safarka wafdiga uu hogaaminayo ay ku soo gaareen Kismaayo.

“Mudane Madaxweyne marka ugu horeeysa waan kaaga mahadcelinayaa kulankan aad nala yeelatay, marka xigta waxa aan u inimid in madaxda iyo shacabka ku nool deegaanada Jubbaland aan ka tala gelino Qorshaha Guud ee hannaanka dib-u-eegista Dastuurka, waxa aan doneynaa in aan bilaawno Geedi-socodka dib loogu eegayo Dastuurka oo aan ka shaqeyneyno in ka qaybgalkiisu uu noqdo mid loo dhanyahay”.

Sidoo kale Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ku ammaanay Wasiirka iyo wafdigiisa sida ay u go’antahay in arin walba oo ku saabsan Dastuurka laga talageliyo dawlad goboleedyada iyo dadka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Wafdiga Wasiir Xoosh ayaa la kulmay Gudoomiyaha, Gudoomiye ku-xigeennada, iyo Guddiga Arrimaha Dastuurka ee Baarlamaanka Jubbaland, iyaga oo kawada hadlay sidii Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka uu u noqon lahaa mid lagu galo qorsho diyaarintiisa loo dhanyahay.

Gebagabadii, AVV Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa Baarlamaanka Jubbalanad ka codsaday in ay Wasaaradda kala shaqeeyaan Geedi-socodka taariikhiga ah ee dib-u-eegista Dastuurka.

—–DHAMAAD—–

Previous Post

Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyey Marwo Asli Xasan.

Next Post

Wefdi Seychelles  ka socday oo soo gaaray dalka-Sawirro

Next Post
Wefdi Seychelles  ka socday oo soo gaaray dalka-Sawirro

Wefdi Seychelles  ka socday oo soo gaaray dalka-Sawirro

Taliyaha Ciidanka XDS iyo mas’uuliyiin kale oo dhiirigelin ugu tegay Ciidanka Gorgor

Taliyaha Ciidanka XDS iyo mas’uuliyiin kale oo dhiirigelin ugu tegay Ciidanka Gorgor

March 7, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Ibraahin Maxamed Maxamuud oo ay wehliyaan Guddoomiyaha gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab...

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐦𝐚𝐬𝐡𝐫𝐮𝐮𝐜𝐚 𝐛𝐚𝐚𝐫𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐚𝐫𝐚𝐠𝐠𝐚 𝐞𝐞 𝐢𝐬𝐤𝐮𝐮𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤a

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐦𝐚𝐬𝐡𝐫𝐮𝐮𝐜𝐚 𝐛𝐚𝐚𝐫𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐚𝐫𝐚𝐠𝐠𝐚 𝐞𝐞 𝐢𝐬𝐤𝐮𝐮𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤a

March 7, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa furey Mashruucan oo ay ka faa’iideysan...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo deeq gargaar ah gaariisay Diinsoor

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo deeq gargaar ah gaariisay Diinsoor

March 7, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa maanta booqasho shaqo ku...

Taliyaha cusub ee Ciidanka Cirka Soomaaliya oo maanta xilka la wareegay

Taliyaha cusub ee Ciidanka Cirka Soomaaliya oo maanta xilka la wareegay

March 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Cusub ee Ciidanka Cirka Soomaaliya Sareeye Guuto C/risaaq Maxamuud Xaaji (Qaloombi), ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In