Saturday, June 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Dastuurka XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya+Sawirro

admin by admin
March 18, 2020
in Wararka
0
Wasiirka Dastuurka XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

June 5, 2025

 

Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Amb James Swan, labada masuul ayaa ka wadahadlay horumarka laga gaaray geedi-socodka dib-u-eegista dastuurka waxa ayna isla soo qaadeen arrimo horay u sii dhaqaajinaya howlaha dhameeystirka dastuurka.

Ugu horeyn, Wasiir Saalax oo ay shirka ku wehliyeen Agaasimaha Guud iyo La-taliyha Arrimaha Warbaahinta iyo Xiriirka ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, ayaa ka hadlay howlaha qabsoomay bilihii la soo dhaafay iyo kuwa u qorsheysan Wasaaradda iyo labada guddi ee qaran ee u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka.

“Waxaan aaminasanahay sanadkii aan joogay xafiiskan waxa inoo suurtagashay qabsoomidda howlo muhiim ah inaga ka wasaarad ahaan iyo labada guddi ee qaran ee ku shaqada leh dib-u-eesgita dastuurka, sido kale waxaa howsha ku soo biiray in kabadan 20 wasaarad oo katirsan XFS si ay howlaha kaga aadan dhameeystirka dastuurka ay uga qeybqaataan; arrimaha awood qeybsiga waa wadnaha dib-u-eegista dastuurka waxaana wasaaradaha kala doodnay qeexidda awoodahaas, sida loo kala la leeyhaay, halka ay awooduhu yaallaan iyo qodobo kale” ayuu yiri Wasiir Saalax.

Intaa kadib, Amb James Swan ayaa bogaadiyay howlaha u qabsoomay hay’addaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka waxa uuna soo hadal qaaday howlaha harsan ee u baahan in la qabto.

“Waxa aan idinku hambalyeeynayaa howlaha aad qabateen oo ay ka mid yihiin safarada dhowaan aad ku tagteen seddexda dowlad goboleed ee Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle oo aad kala hadasheen aragtida ay ka qabaan arrimaha dastuurka, Waxaan is aragnay qaar kamid madaxda dowlad goboleedyada iyo dad kale oo Soomaali ah waxaana kala hadlay muhiimadda dhameeytirka dastuurka iyo inay doorkooda ka qaataan; Waxaan idinku garab taagannahay sidii hore loogu sii wadi lahaa arrimaha dib-u-eegista dastuurka si guul looga gaaro geedi-socodkan soo socday muddo dheer” ayuu yiri Amb James Swan.

Sidoo kale, Wasiirka waxa uu sheegay in Wasaaradaha XFS ee ku lugta leh arrimaha masiiriga ah ee ku jira dastuurka ay door wanaagsan ka qaadanayaan howsha socota maadaama ay horay heshiisyo wadashaqeyn iyo dhanka awoodaha ah ula galeen wasaaradaha dowlad goboleedyada, dhanka kalena ay ku gacan siinayaan Wasaaraadda Arrimaha Dastuurka sidii loo dhameeytsiri lahaa dastuurka. Wasiirka waxa uu sidoo kale soo hadal qaaday banbax howled ay yeelan doonaan Golaha Wasiirada kaasoo looga arinsan doono arrimaha dib-u-eegista dastuurka.

Wasiir Saalax waxa uu dhinaca kale ka hadalay howlaha baaxadda leh ee wacyigelinta dadweynaha ee qabsoomay, waxa uuna sheegay in howlaha wacyigelinta iyo waxbarashada madaniga ee dib-u-eegista dastuurka la dardargelin doono isla markaana ay si joogta ah u socon doonaan si wacyiga shacabka Soomaaliyeed ee arrimaha dastuurka kor loogu qaado.

Gebogabadii, Wasiirka waxa uu ka mahadceliyay taageerada Qaramada Midoobay ay la garabtaagantahay dowladda federaalka gaar ahaan hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka kuwaasoo isugu jira arrimaha is-dhaafsiga khibradda oo ay ka gacan-geystaan hay’adaha UNka iyo arrimaha Wacyigelinta Dadweynaha oo iminka uu soocdo olole ay si gaar ah u taagereyso UNSOM.

Previous Post

Dugsiyada iyo Jaamacadaha oo la fasaxay muddo 15-cisho ah

Next Post

Munaasabadda Caleema saarka Madaxda Galmudug oo dib loo dhigay

Next Post
Munaasabadda Caleema saarka Madaxda Galmudug oo dib loo dhigay

Munaasabadda Caleema saarka Madaxda Galmudug oo dib loo dhigay

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
0

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona dalka Yemen mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed),ayaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo...

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

June 5, 2025
0

Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud “Daqare”,ayaa lagu soo eedeeyay kamid ahaanshiyaha Argagixisada iyo in uu dadka ku tashkiilin jiray inay ku biiraan...

Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo ka socdo Muqdsho maalintii labaad

Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo ka socdo Muqdsho maalintii labaad

June 5, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Cumar Maxamed, ayaa furay maalinta labaad ee Shirweynaha...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo qaab foggaan arag ah uga qeyb galay kulan looga hadlayay Daacuunka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo qaab foggaan arag ah uga qeyb galay kulan looga hadlayay Daacuunka

June 5, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr. Cali Xaaji Aaden, ayaa ka qayb galay shir heerkiisu sarreeyo oo ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In