Wasiirka wasaarada dekadaha iyo gaadiidka badda ee xukuamdda federaalka Soomaaliya mudane Nuur Faarax Xirsi oo lahadlay warbaahinta qaranka Soomaaliya ayaa waxaa uu ka hadlay arimaha dekadaha dalka iyo qorshayaasha wasaarada uga degsan dib u dhiska iyo qalabeynta dekadaha dalka isagoo soo hadal qaaday shirkad lagu wareejiyay dekada Berbera.
Wasiirka ayaa waxaa sharci daro iyo mid ka hor imaanaysa madaxbaanida qaranka Soomaaliyeed ku tilmamay shirkadaas la sheegay in maamulka Soomaaliland uu ku wareejiyay maamulka dekadda magalada Barbera taasi oolaga leeyahy wadanka isku taga imaraadka carabta.
Shirkadaan ayaa lagu magacaabaa Dubai World waxaana ay qaabilsantahay Arimaha dekadaha dhawaana ayaa la shaaciyay in maamulka Soomaaliland uu ku wareejiyay dekada magaalada Berbera wasiirka ayaana sheegay in iyadoo aan wasaaradda la wargalin aan shirkadu la wareegi Karin maamulka dekad ka mid ah dekadaha dalka.
“Anagu waan jecelnahay in la hormariyo dekadaha dalka, dowladaha iyo shirkadaha doonaya in ay dib u dhisaan una tayeyaan dekadaha dalka waxaan nahay cidda ugu horeysa ee soo dhaweyneysa, laakin waxaanu leenahay waa in qaab sharci ah loo soo maraa wasaaradayda ayaa masuul uga ah qaranka dekadaha dalka waxna kama ogin arintaan”ayuu yiri Wasiir Nuur.