Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ugu mahadceliyey Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda, oo ah isbeddel muhiim ah oo wax ka qabanaya caqabado muddo dheer ka jiray nidaamka badda ee dalka.
Xeer-nidaamiyahani wuxuu dhisayaa hannaan sharci oo mideysan oo lagu diiwaangeliyo maraakiibta Calanka Soomaaliya, wuxuu adkeynayaa badbaadada, kormeerka iyo ilaalinta sumcadda calanka, isla markaana wuxuu xaqiijinayaa u hoggaansanaanta heshiisyada caalamiga ah ee badda.
Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sidoo kale sheegay in tani tahay tusaale cad oo muujinaya goโaanka Xukuumadda ee ku aaddan xalinta dhibaatooyinka Soomaaliya iyada oo loo marayo dib-u-habeyn iyo dhisid hayโadeed oo hufan.
Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, ayaa ku bogaadinayay madaxda Sare ee Dalka dadaalkooda, aragtidooda fog iyo taageeradooda joogtada ah ee lagu hormarinayo Dowlad-wanaagga, kalsoonida caalamiga ah iyo kobaca dhaqaalaha dalka.









