Tuesday, August 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga oo ka qayb qalay xeritaanka tartan loo qabtay ardayda City University.SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
January 7, 2016
in Wararka
0
Wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga oo ka qayb qalay xeritaanka tartan loo qabtay ardayda City University.SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabada lagu soo gebo gebaynayay tartanka   isdhexgalka ardayda jaamacadda City ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho waxaana kasoo qayb galay Wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux , guddoomiyaha jaamacadda City Pro: Cadbulahi Axmed Bariise, Guddoomiye Ku xigeenka Jamacadda     Pro Cabdikariin Xasan Jaamac, madaxda Shaqaalaha iyo arimaha Ardayda jamacadda iyo marti shara kale.

Tartankan uu soo qaban qaabiyay xafiiska arimaha ardayda ee jaamadda City ayaa soo bilowday 22 Oktoobar 2015, waxaana ka qayb galay 16 koox oo 15 koox ay ardayda jaamacadda yihiin iyo 1 koox oo ka socotay dugsisare Badde oo hoostaga jamaacda City ,waxaana fiinaalka isugu soo baxay   intermediate iyo Upper intermediate waxaana kadib bandhig cayaareed wanaagsan 1-0 guusha ku raacday Upper intermediate  .

Related posts

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS iyo saraakiil kale oo kormeeray deegaanka Number 50

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS iyo saraakiil kale oo kormeeray deegaanka Number 50

August 26, 2025
Guddoomiyaha SoDMA oo mashruuc muhiim ah ka daah-furay Balcad

Guddoomiyaha SoDMA oo mashruuc muhiim ah ka daah-furay Balcad

August 26, 2025

Marki ay   cayaarta soo idlaatay waxaa halkaas ka hadlay guddoomiyaha Jamaaca City Pro: Cadbulahi Axmed Bariise, waxuuna sheegay in tartanka uu socday muddo 3bil ah , seddex bil ay arday aan is aqoon oo meelo kale gedisan ka yimid ay maanta saaxiibo yihiin taasna ay tahay ujeedka tartanka ay jaamacadda u qabaty isla markaana uu miro dhal u noqday.

Pro: Cadbulahi Axmed Bariise ayaa intaa ku daray in ay tartankan joogtayn donaan kuna fidin doonaan jaamacaddaha kale   si loo qabto tartanka jaamacadaha taasina ay tahay qorshaha Jaamacadda City ay uga qayb qaadanayso is dhexgalka iyo is fahamka dhalinyarada Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay tartankana soo xeray Wasiirka dhalinyara iyo isboortiga Cabdullaahi Xasan Nuux, waxuuna sheegay in tartanka uu yahay kii ugu horeeyayay ay Jaamacad qabato uu kasoo qayb galo isla markaana uu ku qancay hanaanka tartanka loo soo abaabulay.

Wasiir Nuux ayaa maamulka Jaamacadda uga mahad celiyay dadaalka   ay uga qayb qaadanayaan Horumarinta dhalinyara Soomaaliyeed mid waxbarasho iyo mid isboorti intaba, waxuuna jaamacadaha kale ee kajira dalka kula dardaarmay in ay u istaagaan dhiira gelinta dhalinyarada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn waxaahalkaas lagu bixiyay abaalmarinadi kaalmahii  lagu guulaystay waxaana koob lagu gudoonsiiyay kooxa Upper intermediate   oo koobkan  hanatay.

City University ayaa la aasaasay sanadii 2012 waxayna   mudada ay jirtay door muhiim ah ka qaadatay horumarinta iyo dhiira gelinta dhalinyara Soomaaliyeed , waxaana wax qabadkeeda ka mid ah taaba gelinta tartanka aqooneed ay idaacada Goobjoog iska kaashadeen kaasoo ka qayb qaateen 58 iskuul oo dugsi sare ah kuna yaala gobolka Banaadir iyo tartamo isboorti oo ay qabteen

ugu dambeyn waxaa halkaas  lagu bixiyay abaalmarinadi tartanka iyadoo Wasir Nuux koobka Guddoonsiiyay kooxda Upper intermediate oo noqotay horyaalka ardayda  2015.

DSC_0187

city boor sport (1) wasiirka salamaya (1)

Previous Post

Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo Xariga Ka Jaray Mashaariic Horumarineed Oo Laga Hiraglinayo Boosaaso “Sawirro”

Next Post

Dowlada Jibuuti oo xiriirki u jartay Iiraan, yo Joordan oo u yeeratay Safiikii u joogay Tehran.

Next Post
Dowlada Jibuuti oo xiriirki u jartay Iiraan, yo Joordan oo u yeeratay Safiikii u joogay Tehran.

Dowlada Jibuuti oo xiriirki u jartay Iiraan, yo Joordan oo u yeeratay Safiikii u joogay Tehran.

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS iyo saraakiil kale oo kormeeray deegaanka Number 50

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS iyo saraakiil kale oo kormeeray deegaanka Number 50

August 26, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar iyo Ganeraal Sebahattin Kalkan, Taliyaha Ciidanka Turk-Som, ayaa gaarey deegaanno...

Guddoomiyaha SoDMA oo mashruuc muhiim ah ka daah-furay Balcad

Guddoomiyaha SoDMA oo mashruuc muhiim ah ka daah-furay Balcad

August 26, 2025
0

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdille, ayaa maanta safar dhulka ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Hoggaanka Gobolka Ningxia ee dalka Shiinaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Hoggaanka Gobolka Ningxia ee dalka Shiinaha

August 26, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kulan la yeeshay Hoggaamiyaha Gobolka Ningxia, ahna Xoghayaha...

Waddooyinka Muqdisho oo si casri ah loo dhisayo

Waddooyinka Muqdisho oo si casri ah loo dhisayo

August 26, 2025
0

Guddoomiye Ku-xigeenka Hawlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan, ayaa maanta kormeeray waddada Buundooyinka oo isku xirta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In