Thursday, March 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga oo ka qayb qalay xeritaanka tartan loo qabtay ardayda City University.SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga oo ka qayb qalay xeritaanka tartan loo qabtay ardayda City University.SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabada lagu soo gebo gebaynayay tartanka   isdhexgalka ardayda jaamacadda City ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho waxaana kasoo qayb galay Wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux , guddoomiyaha jaamacadda City Pro: Cadbulahi Axmed Bariise, Guddoomiye Ku xigeenka Jamacadda     Pro Cabdikariin Xasan Jaamac, madaxda Shaqaalaha iyo arimaha Ardayda jamacadda iyo marti shara kale.

Tartankan uu soo qaban qaabiyay xafiiska arimaha ardayda ee jaamadda City ayaa soo bilowday 22 Oktoobar 2015, waxaana ka qayb galay 16 koox oo 15 koox ay ardayda jaamacadda yihiin iyo 1 koox oo ka socotay dugsisare Badde oo hoostaga jamaacda City ,waxaana fiinaalka isugu soo baxay   intermediate iyo Upper intermediate waxaana kadib bandhig cayaareed wanaagsan 1-0 guusha ku raacday Upper intermediate  .

Related posts

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Dhexe

March 12, 2026
Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

March 12, 2026

Marki ay   cayaarta soo idlaatay waxaa halkaas ka hadlay guddoomiyaha Jamaaca City Pro: Cadbulahi Axmed Bariise, waxuuna sheegay in tartanka uu socday muddo 3bil ah , seddex bil ay arday aan is aqoon oo meelo kale gedisan ka yimid ay maanta saaxiibo yihiin taasna ay tahay ujeedka tartanka ay jaamacadda u qabaty isla markaana uu miro dhal u noqday.

Pro: Cadbulahi Axmed Bariise ayaa intaa ku daray in ay tartankan joogtayn donaan kuna fidin doonaan jaamacaddaha kale   si loo qabto tartanka jaamacadaha taasina ay tahay qorshaha Jaamacadda City ay uga qayb qaadanayso is dhexgalka iyo is fahamka dhalinyarada Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay tartankana soo xeray Wasiirka dhalinyara iyo isboortiga Cabdullaahi Xasan Nuux, waxuuna sheegay in tartanka uu yahay kii ugu horeeyayay ay Jaamacad qabato uu kasoo qayb galo isla markaana uu ku qancay hanaanka tartanka loo soo abaabulay.

Wasiir Nuux ayaa maamulka Jaamacadda uga mahad celiyay dadaalka   ay uga qayb qaadanayaan Horumarinta dhalinyara Soomaaliyeed mid waxbarasho iyo mid isboorti intaba, waxuuna jaamacadaha kale ee kajira dalka kula dardaarmay in ay u istaagaan dhiira gelinta dhalinyarada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn waxaahalkaas lagu bixiyay abaalmarinadi kaalmahii  lagu guulaystay waxaana koob lagu gudoonsiiyay kooxa Upper intermediate   oo koobkan  hanatay.

City University ayaa la aasaasay sanadii 2012 waxayna   mudada ay jirtay door muhiim ah ka qaadatay horumarinta iyo dhiira gelinta dhalinyara Soomaaliyeed , waxaana wax qabadkeeda ka mid ah taaba gelinta tartanka aqooneed ay idaacada Goobjoog iska kaashadeen kaasoo ka qayb qaateen 58 iskuul oo dugsi sare ah kuna yaala gobolka Banaadir iyo tartamo isboorti oo ay qabteen

ugu dambeyn waxaa halkaas  lagu bixiyay abaalmarinadi tartanka iyadoo Wasir Nuux koobka Guddoonsiiyay kooxda Upper intermediate oo noqotay horyaalka ardayda  2015.

DSC_0187

city boor sport (1) wasiirka salamaya (1)

Previous Post

Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo Xariga Ka Jaray Mashaariic Horumarineed Oo Laga Hiraglinayo Boosaaso “Sawirro”

Next Post

Dowlada Jibuuti oo xiriirki u jartay Iiraan, yo Joordan oo u yeeratay Safiikii u joogay Tehran.

Next Post
Dowlada Jibuuti oo xiriirki u jartay Iiraan, yo Joordan oo u yeeratay Safiikii u joogay Tehran.

Dowlada Jibuuti oo xiriirki u jartay Iiraan, yo Joordan oo u yeeratay Safiikii u joogay Tehran.

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Dhexe

March 12, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 171aad Guutada 17aad Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo qorsheysan Ka fuliyay Koonfurta...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

March 12, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda isgaarsiinta iyo teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Soomaali , ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo xiray Madasha Bandhigga...

Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

March 12, 2026
0

Ilaa 1,000 qoys oo ay si daran u saameysay abaarta ka jirta qaybo ka mid ah dalka ayaa ka faa’iideystay...

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

March 12, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) S/Guuto Ibrahim Mohamed Mahmoud ayaa kulan sagootin iyo dardaaran ah la qaatay ciidamo gaar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In