Thursday, January 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga oo faah faahin ka bixiyay shir uu uga soo qeybgalay Jabuuti “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga oo faah faahin ka bixiyay shir uu uga soo qeybgalay Jabuuti “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa faah faahin ka bixiyay waxyaabihii ka soo baxay shirka Wasiirada Cayaaraha ee Urur Goboleedka IGAD oo lagu soo gabo  gabeeyay Dalka Jabuuti

Mudane Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga ee xukuumadda Soomaaliya oo dib ugu soo laabtay dalka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ku so dhaweeyay mas’uuliyin ka tirsan labada gole ee dowladda, agaasimaha guud ee Wasaaradda dhalinyarada Mudane Daahir Cabdi Cabdullaahi iyo xubno kale.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026

Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay garoonka Aadan Cadde ayaa hoosta ka xariiqay in shirka Wasiirada Isboortiga ee IGAD lagu heshiiyay in iskaashi xagga isboortiga ay yeeshaan dalalka IGAD, isla markaana labadii sano mar la qabto tartamo isboorti oo lagu horumarinayo dhalinyarada iyo isboortiga.
“Waxaa la isku raacay in la qabto tartamo isboorti, si loo dhiirigeliyo dhalinyarada, waxaa kaloo la sheegay in tartanka ugu horeeya lagu qaban doono dalka Jabuuti, marka arrinta ugu muhiimsan waxa ay tahay in iskaashi xagga horumarinta Isboortiga la yeesho” ayuu yiri Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa xusay in uu  kulan gaar ah la yeeshay dhigiisa dalka Sudan oo ay ka wada hadleen sidii Soomaaliya gacan looga siin lahaa horumarinta isboortiga, ayna Soomaaliya u soo diri doonaan quburo arrimahaasi kala shaqeeya.

Wasiirka dhalinyarada iyo Isboortiga ee Soomaaliya waxa uu tilmaamay inay furi doonaan akadeemiyad lagu tababarayo bahda jecel isboortiga iyo in shaqo abuur loo sameeyo dhalinyarada, si looga weeciyo afkaaraha qaldan ee ay Shabaabku ku marin habaabinayaan dhalinyarada, isla markaana ay u noqdaan kuwa ka qeyb qaata nabadgelyada iyo horumarka dalka.

vlcsnap-2015-04-08-09h31m05s219 vlcsnap-2015-04-08-09h31m09s5 vlcsnap-2015-04-08-09h31m31s219 vlcsnap-2015-04-08-09h31m47s125 vlcsnap-2015-04-08-09h32m25s244 vlcsnap-2015-04-08-09h32m38s126 vlcsnap-2015-04-08-09h32m51s253 vlcsnap-2015-04-08-09h57m25s146 vlcsnap-2015-04-08-09h57m29s188 vlcsnap-2015-04-08-09h57m31s208 vlcsnap-2015-04-08-09h57m57s209 vlcsnap-2015-04-08-09h58m05s34 vlcsnap-2015-04-08-09h58m18s162 vlcsnap-2015-04-08-09h59m29s107 vlcsnap-2015-04-08-09h59m57s133

 

Previous Post

Wasiirka Maaliyadda XFS oo shir looga hadlayo arrimaha maaliyadda uga qayb galay Dalka Kuwait

Next Post

Dowladda Uganda oo ka hadashay Qabashada Wakiilkii Argagixisada Al Shabaab ee Dalkaas oo la qabtay

Next Post
Dowladda Uganda oo ka hadashay Qabashada Wakiilkii Argagixisada Al Shabaab ee Dalkaas oo la qabtay

Dowladda Uganda oo ka hadashay Qabashada Wakiilkii Argagixisada Al Shabaab ee Dalkaas oo la qabtay

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta ka qeybgalay...

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hussein Ali Haji, ayaa maanta ka degay...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

January 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad...

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

January 22, 2026
0

Waxaa Magaaladda Moqdisho lugu soo xiray Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha, oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In