Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga oo faah faahin ka bixiyay shir uu uga soo qeybgalay Jabuuti “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga oo faah faahin ka bixiyay shir uu uga soo qeybgalay Jabuuti “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa faah faahin ka bixiyay waxyaabihii ka soo baxay shirka Wasiirada Cayaaraha ee Urur Goboleedka IGAD oo lagu soo gabo  gabeeyay Dalka Jabuuti

Mudane Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga ee xukuumadda Soomaaliya oo dib ugu soo laabtay dalka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ku so dhaweeyay mas’uuliyin ka tirsan labada gole ee dowladda, agaasimaha guud ee Wasaaradda dhalinyarada Mudane Daahir Cabdi Cabdullaahi iyo xubno kale.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay garoonka Aadan Cadde ayaa hoosta ka xariiqay in shirka Wasiirada Isboortiga ee IGAD lagu heshiiyay in iskaashi xagga isboortiga ay yeeshaan dalalka IGAD, isla markaana labadii sano mar la qabto tartamo isboorti oo lagu horumarinayo dhalinyarada iyo isboortiga.
“Waxaa la isku raacay in la qabto tartamo isboorti, si loo dhiirigeliyo dhalinyarada, waxaa kaloo la sheegay in tartanka ugu horeeya lagu qaban doono dalka Jabuuti, marka arrinta ugu muhiimsan waxa ay tahay in iskaashi xagga horumarinta Isboortiga la yeesho” ayuu yiri Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa xusay in uu  kulan gaar ah la yeeshay dhigiisa dalka Sudan oo ay ka wada hadleen sidii Soomaaliya gacan looga siin lahaa horumarinta isboortiga, ayna Soomaaliya u soo diri doonaan quburo arrimahaasi kala shaqeeya.

Wasiirka dhalinyarada iyo Isboortiga ee Soomaaliya waxa uu tilmaamay inay furi doonaan akadeemiyad lagu tababarayo bahda jecel isboortiga iyo in shaqo abuur loo sameeyo dhalinyarada, si looga weeciyo afkaaraha qaldan ee ay Shabaabku ku marin habaabinayaan dhalinyarada, isla markaana ay u noqdaan kuwa ka qeyb qaata nabadgelyada iyo horumarka dalka.

vlcsnap-2015-04-08-09h31m05s219 vlcsnap-2015-04-08-09h31m09s5 vlcsnap-2015-04-08-09h31m31s219 vlcsnap-2015-04-08-09h31m47s125 vlcsnap-2015-04-08-09h32m25s244 vlcsnap-2015-04-08-09h32m38s126 vlcsnap-2015-04-08-09h32m51s253 vlcsnap-2015-04-08-09h57m25s146 vlcsnap-2015-04-08-09h57m29s188 vlcsnap-2015-04-08-09h57m31s208 vlcsnap-2015-04-08-09h57m57s209 vlcsnap-2015-04-08-09h58m05s34 vlcsnap-2015-04-08-09h58m18s162 vlcsnap-2015-04-08-09h59m29s107 vlcsnap-2015-04-08-09h59m57s133

Previous Post

Wasiirka Maaliyadda XFS oo shir looga hadlayo arrimaha maaliyadda uga qayb galay Dalka Kuwait

Next Post

Dowladda Uganda oo ka hadashay Qabashada Wakiilkii Argagixisada Al Shabaab ee Dalkaas oo la qabtay

Next Post
Dowladda Uganda oo ka hadashay Qabashada Wakiilkii Argagixisada Al Shabaab ee Dalkaas oo la qabtay

Dowladda Uganda oo ka hadashay Qabashada Wakiilkii Argagixisada Al Shabaab ee Dalkaas oo la qabtay

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In