Friday, December 1, 2023
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Maaliyadda XFS oo shir looga hadlayo arrimaha maaliyadda uga qayb galay Dalka Kuwait

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
April 8, 2015
in Wararka
0
Wasiirka Maaliyadda XFS oo shir looga hadlayo arrimaha maaliyadda uga qayb galay Dalka Kuwait
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, Aprili 8, 2015…Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda ee DFS, Mudane Maxamed Aadan Ibraahim (Farkeeti) ayaa  gaaray Magaalada Kuwait ee Dalka Kuwait, halkaas oo uga qeyb galay shirka  sanadlaha ah ee hay’adaha Maaliyadda wadamada  Carabta, kaas oo soconayay  muddo labo cisho ah.  Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa waxaa  Garoonka  ku soo dhoweeyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kuwait, Mudane Cabdulqaadir Amiin Sheekh iyo Masu’uuliyiin kale ee ka socday Hay’adaha Maaliyadda ee Carabta.

Shirkan oo soconayay muddo  laba cisho ah waxaa looga hadlay laba ajande oo kala ah, sidii wadamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta ay isaga kaashan lahaayeen fududaynta Canshuuraha bedeecadaha isaga goosha wadama Carabta iyo in wadamada Xubanha ka ah Jaamacadda Carabta ay is-dhaafsi Khibradeed uga sameysan lahaayeen arrimaha la xiriira Canshuuraha Badeecadaha.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku soo barakacay deegaanka  Lafoole

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku soo barakacay deegaanka  Lafoole

November 30, 2023
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax-dhigay dhismaha Garoonka Diyaaradaha Degmada Afmadow

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax-dhigay dhismaha Garoonka Diyaaradaha Degmada Afmadow

November 30, 2023

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Aadan Ibraahim (Farkeeti), oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in  Soomaaliya  ay horumar la taaban karo ka sameysay dhanka Maaliyadda sanadihii ugu danbeeyay, isla markaana dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta looga baahan yahay in ay ka qeyb qaataan horumarinta Adeegyada Maaliyadda ee Soomaaliya si kor loogu qaado kobaca dhaqaalaha ee dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta oo Soomaaliya ay kamid tahay.

“Waxaan dhaqan-gelinay qaab isla xisaabtanka maaliyadda oo hufan, waayo tani waxay naga saacidaysaa hagaajinta dhanka Maaliyadda oo sanadihii danbe dib usoo kabanayay, waxayna dhanka kale kalsooni weyn siinaysa deeq-bixiyeyaasha iyo shirkadaha doonaya inay maal-gashadaan Soomaaliya”ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Mudane Maxamed Aaden Ibrahim.

Gaba-gabedii shirka ayaa waxaa la isku raacay laba arimood oo kala ah in la sii xoojiyo iskaashiga Maaliyadeed ee ka dhaxeeya Wadamada Carabta iyo sidoo kale in xubnaha ka midka ah Hay’adahaan ay kordhiyaan qoondada Maaliyadeed ee ay hadda ku deeqaan Sanduuqyada Lacagta.

—DHAMAAD—

IMG_1337 IMG_1347 IMG_1357 ZUR_0073 (1) ZUR_0344 (1)

Previous Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga oo faah faahin ka bixiyay shir uu uga soo qeybgalay Jabuuti “Sawirro”

Next Post
Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga oo faah faahin ka bixiyay shir uu uga soo qeybgalay Jabuuti “Sawirro”

Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga oo faah faahin ka bixiyay shir uu uga soo qeybgalay Jabuuti "Sawirro"

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku soo barakacay deegaanka  Lafoole

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku soo barakacay deegaanka  Lafoole

November 30, 2023
0

Hey’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa maanta deegaanka Lafoole oo hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxa ay gargaar...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax-dhigay dhismaha Garoonka Diyaaradaha Degmada Afmadow

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax-dhigay dhismaha Garoonka Diyaaradaha Degmada Afmadow

November 30, 2023
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo dhagax-dhigay dhismaha Garoonka Diyaaradaha ee Degmada Afmadow, ayaa ku...

R/W  Xamsa “Degmada Afmadow waxaa go’doomiyey roobabka daadadka wata iyo Cadowga Khawaarijta ah”

R/W  Xamsa “Degmada Afmadow waxaa go’doomiyey roobabka daadadka wata iyo Cadowga Khawaarijta ah”

November 30, 2023
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku tagey degmada Afmadow booqasho uu ugu kuur-galayo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Joogtada ah ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Joogtada ah ee Golaha

November 30, 2023
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In