Wasaarada dhallinayarada iyo cayaaraha ayaa sheegtay in ay waddo diyaarinta siyaadda dhalinayarada, si dhalinyaradu ay u helaan fursado shaqo iyo mid waxbarasho
Wasiirka dhallinyarada iyo Isboortiga ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Maxamed Xasan Nuux ayaa hoosta ka xariiqay in Wasaaraddu ay diyaarineyso siyaasad cad oo lagu hagayo dhalinyarada Soomaaliyeed, si ay u helaan xuquuqda aas aasiga u ah noloshooda.
“Waxaan wadnaa in aan diyaarino siyaasad Qaran oo mideysan, oo lagu muujinayo xuquuqda uu siinaya dhalinyarada, isla markaana shaqo abuur ay ka helaan, diyaarinta sharciyadan waxaa gacan ka geysan doono ardayda Jaamacadaha dalka, oo aan rajeynayo in aan kulamo gaar gaar ah la qaadano” ayuu yiri Wasiirka Dhallinyarada
Wasiirku waxa uu tilmaamay in dhawaan ay Muqdisho ka hirgelin doonaan akadeemiyad lagu horumarinayo dhallinyarada, si looga weeciyo fikadaha qaldan ee ay ku marin habaabinayaan kooxda Shabaab, ayna qeyb ka noqdaan kuwa ka shaqeeya horumarka dalka.