Wasiirka Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamza Saciid Xamza ayaa soo xiray shir looga hadlayey Siyaasadda Qaran ee dhalinyarada oo afar maalin ka socday Muqdisho.
Kulanka wadatashiga oo ay soo qaba qaabisay Wasaaradda dhallinyarada ayna ka qeyb galeen 25 Gabdhoob oo wax bartay ayaa madasha ku soo gudbiyay aragtidooda, caqabadaha jira iyo waxa ay u arkaan xalka waara ee lagu horumarin karo gabdhaha Soomaaliyeed, taasi oo ay ku biiriyeen siyaasadda Qaran ee dhallinyarada.
Qaar ka mid ah gabdhaha ka qeyb galay shirka ayaa tilmaamay inay aad ugu faraxsanyihiin kulanka wada tashiga ah ee lagu casuumay, ayna ku biiriyeen wixii talo ah oo ay hayeen, ayna ka rajeynayaan Madaxda Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Soomaaliya inay meel saarto xaquuqda gabdhaha Soomaaliyeed ee ku aadan ka qeybgalka hannaanka siyaasadeed iyo fursadaha shaqo ee dalka.
Wasiirka Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Saciid Xamsa oo soo xiray shirka ayaa sheegay in ay aad u yaryihiin fursadaha maanta ay haweenku ka heystaan hay’adaha kala duwan ee dowladda, gaar ahaan kuraasta la doorto iyo xilalka la magacaabo.
“Waan ku faraxsanahay inaan idinla kulmo sababtoo ah Wadanka marka aad fiirisid Gender-ka gabdhaha ayaan sheegayaa jaaniskoodu aad ayuu u yaryahay, 30% gabdhaha hadda waxa ay soo galeen siyaasadda waana fursad wanaagsan, jaaniska wadanka wuu jiraa, laakiin hal sheey ayaa idinka codsanayaa, waxkasta oo aad u aragtaan inay tahay qalad inaad ka hadli kartaa oo si toos ah, idinkoo dhaqankii ilaalinaya iyo idinkoo Diinta ilaalinaya inaad ka hadli kartaan” ayuu yiri Wasiirka Dhallinyarada Soomaaliya.