Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Barre Maxamuud oo dalka dibaddiisa safar shaqo ugu maqan ayaa ka jawaabay baaqa Iglan Cabdullaahi Maxamed oo ah gabar Soomaaliyeed oo shaqo doona ah oo sheekadeeda iyo midda qowskeeda dareen taabadka lahayd lagu faafiyay baraha Bulshada ayaa isla maanta amray Waaxda shaqada iyo shaqaalaha ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo cayaaraha in la hawlgeliyo gabadhaas Soomaaliyeed oo lagu qoro boos darajada labaad (B) ee shaqaalaha Kumeel gaarka ah ee gunnada qaata.
Wasiir Maxamed Barre Maxamuud ayaa sheegay inuu xil ka saaranyahay guud ahaan dhallinyarada Soomaaliyeed, isagoo caddeeyay in awoodda Wasaaradda ee wax ka qabashada shaqo la’aanta dhallinyaradu ay koobantahay laakiin kiiska Iglan oo dad badan dareenkooda dhaqaajiyay isla markaana mas’uul ka ah walaalaheed ka yar yar ay xil gooni ah iska saarayaan.
Iglan Cabdullaahi Maxamed iyo qowskeed ayaa ka mid ah dhibanayaasha weeraradii argagixiso ee dalka ka dhacay, iyadoo ku wayday Waalid iyo walaal.