Monday, February 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Difaaca: “Ciidanka X.D.S lug kuma yeelan karaan wax ka baxsan Waajibaadkooda Qaran”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Wasiirka difaaca oo booqday degmada Garbahaarreey ee gobolka Gedo-SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Gaalkacyo ee  dirirtu u dhexeyso inay si deg-deg ah u joojiyaan dagaalka, oo ay wada-hadal ku xalliyaan khilaafkooda. Isagoo dhinaca kale tilmaamay inaanu hayn warbixin cad oo sheegeysa in qaar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay dagaalka ku lug lahaayeen.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026

Wasiirka ayaa sheegay in  Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed meel kasto oo ay ku sugan yihiin aysan ku  lug yeelan karin wax ka baxsan waajibaadkooda Qaran ee ah difaaca dalka, wuxuna xusay in baaritaan lagu sameyn  doono cid kasta oo ku lug yeelata dagaalkaas, iyagoo adeegsanaya magaca ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Wasiirka difaaca oo arrimahaas ka hadlaya ayaa yiri: “Waxaan aad uga xunnahay shaqaaqooyinka ka dhacaya magaalada Gaalkacyo oo dad Soomaaliyeed ay qaarna ku naf waayeen, qaarna ku dhawacmeen, waana arrin tiiraanyo leh in dad Soomaaliyeed waqtigan la joogo  ay dhib isku geystaan.”

“Waxaan kale oo rabaa in aan halkaan ka sheegno in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay mas’uuliyaddoodu  tahay in dadka iyo dalkiisa uu difaaco, dagaalka haatan socdana ilaa iyo hadda ma hayno wax warbixin cad ah oo sheegaysa in dagaalka ay qayb ka yihiin.  Cid walba oo ku xad gudubta waajibka uu Qaranka Soomaaliyeed u hayo waa lagula xisaab tamayaa, waxana laga qaadayaa tillaabo waafaqsan sharciga dalka, waxana loo aqoon sanayaa in uusan ka mid ahayn Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Wasiir Diini.

Previous Post

Tababar kubadda Laliska ah oo lagu soo gabo gabeeyay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Hay’adda Culimada oo markale ku baaqday in la joojiyo colaadda Gaalkacyo

Next Post
DAAWO: Wasaaradda Arrimaha gudaha oo ku baaqday joojinta colaadda gobolka Hiiraan

Hay’adda Culimada oo markale ku baaqday in la joojiyo colaadda Gaalkacyo

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal qorshaysan oo ay shalay ka fuliyeen deegaanka Maxaa Saciid ee Gobolka...

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo ay weheliyaan Wasiiru-Dowlaha iyo...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda oo War-saxaafadeed ka soo saartay hannaanka Amniga

February 1, 2026
0

Dowladda Soomaaliya waxay masuuliyadi ka saaran tahay amniga iyo badqabka muwaadiniinta, si taa loo fuliyo, xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay hore...

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

February 1, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay masuuliyiinta hoos ku xusan xilalka Guddoomiye Ku-xigeennada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed:...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In