Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Difaaca C/qaadir Sh. Cali Diini oo xilkii kala wareegay Wasiirkii hore Maxamed Sh. Xasan {SAWIRRO}

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Difaaca C/qaadir Sh. Cali Diini oo xilkii kala wareegay Wasiirkii hore Maxamed Sh. Xasan {SAWIRRO}
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Cusub ee Difaaca Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini,  ayaa maanta xilkii kala wareegay Wasiirkii hore ee Difaaca Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, kadib munaasabad ballaaran oo ka dhacday Wasaaradda Gaashaandhigga, taasi oo ay kasoo qeyb galeen Taliska guud ee Ciidanka Xogga dalka Soomaaliyeed iyo saraakiil ka socotay dalalka dhanka difaaca ka taageera dowladda Soomaaliya.

Taliyaha Ciidamadda Xogga dalka Soomaaliya, S/G/ Daahir Aaden Cilmi oo Munaasabadda ka hadlay ayaa xusay wasiirkii hore difaaca mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud wax badan in uu qabtay mudadii uu xafiiska joogay, isagoo uga mahadceliyey shaqadii ay soo wada qabteen, wuxuuna geesta kale soo dhaweeyay Wasiirka cusub ee Difaaca Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Wasiirkii hore ee Difaaca Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa sheegay in uu  qalbi furan kusoo dhawaynayo wasiirka cusub Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, wuxuna ballan ku qaaday in uusan  waxba ka hagran doonin wasiirka cusub si howshu horey ugu socoto, sidoo kale wuxuu mahad celin u jeediyay laamaha kala duwan ee Taliska XDS.

Wasiirka cusub ee Difaaca Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, oo munaasabadda ka hadlay ayaa mahadcelin kadib, hoosta ka xariiqay siyaasaddiisa  guud ee ku wajahan Wasaaradda in ay ugu horeyso dib u dhiska ciidan qaran oo isku dheeli tiran.

“Waxqabadkaasi aad nooga waranteen dalkiina ayaad u shaqayseen ee Ilaahay ha idinka abaal mariyo, anaguna waxaanu ilaahay ka baryaynaa inaanu wax ku darno mooyaane’e inaanay halkan ay maanta joogto ka soo siibanin” ayuu yiri Wasiir Diini oo dhinaca kale  tilmaamay in muddada ay xafiiska hayo  hufnaan ku maamuli doonaan.

“Wasaaradda Gaashaandhiga waxa laga dugsanayaa waa difaacii wadanka, dad badan oo cadow ah oo ugu horeeyaan kooxaha Argagixisadu ayaa dalkeena dhibaato ka wada waa in aanu wadajir isku kaashanaa kana hortagnaa dhibka ay wadaan” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/qaadir Sh. Cali Diini.

IMG_0006 IMG_0008 IMG_0011 IMG_0017 IMG_0029 IMG_0041 IMG_0051 IMG_0062 IMG_0078 IMG_0107 IMG_0112 IMG_0121 IMG_0124 IMG_0145 IMG_0152 IMG_0159 IMG_0160 IMG_0164 IMG_0178 IMG_0192 IMG_0198 IMG_0230 IMG_0234 IMG_0243 IMG_0270 IMG_0276 IMG_0282 IMG_0289

Previous Post

Wasiirka Cusub ee Tamarta iyo Biyaha oo maanta Xilka la wareeegay{SAWIRRO}

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho 18 02 2015

Next Post
Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho 18 02 2015

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In