Tuesday, September 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Difaaca iyo mas’uuliyiin kale oo kormeerey Xerada Janaraal Dhaga-badan +Sawirro

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Difaaca iyo mas’uuliyiin kale oo kormeerey Xerada Janaraal Dhaga-badan +Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xerada tabbabarada ciidanka xoogga dalka ee Janaral Dhaga-badan, ayay kormeer howleed maanta ku tageen wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha ciidanka xoogga dalka, xoghayaha guddiga difaaca ee golaha shacabka iyo saraakiil kale.

Qaar kamid ah askartii horey, Imaaraadka gacanta ugu hayeen ayaa hadda lagu leyliyaa xerada, waxayna masโ€™uuliyiinta soo indha indheeyeen qeybaha xerada, sida goobaha tabbabarka iyo qeybta cuntada, iyadoo masโ€™uuliyiinta ay la kulmeen saraakiisha midowga Yurub ee Tabbabarta ciidanka xoogga dalka oo ugu warbixisay howlaha ay halkaas ka hayaan.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐€๐ซ๐๐š๐ฒ๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ž๐ž  ๐ฆ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐ช๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ฃ๐š๐›๐ข๐ฌ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐ฑ๐š๐ช๐ข๐ข๐ฃ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ง ๐ฒ๐จ๐จ๐ฅ ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐š๐ก

September 21, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

September 21, 2026

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, sareeyo Gaas, C/weli Jaamac Gorod, oo la hadlay askasta tabbabarka u socday ayaa ku booriyay in ay u adkeystaan leyliga, si dalka ay u anfacaan.

Xoghayaha guddiga difaac ee golaha shacabka, xildhibaan Sadiiq Warfaa, ayaa sheegay in miisaaniyadda wasaaradda Gaashaandhigga la kordhin doono sanadka soo aadan maadaama uu dalka dagaal ku jiro.

Mudane Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) wasiirka difaaca ee Soomaaliya ayaa sheegay in dhismaha ciidanka xoogga dalka ay ka goโ€™an tahay madaxda dowladda Soomaaliya, isla markaana uu u taagan yahay fulinta hadafkaas.

Sidoo kale, wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) iyo masโ€™uuliyiinta kale, ayaa saldhiga howlgalka ciidanka Midowga Yurub ee tabbabarada siiya ciidanka xoogga dalka waxaa ay kula kulmeen Taliyaha cusub ee howlgalkaas BRIGADIER GENERAL MATTEO SPREAFICO iyo GENERAL PIETRO ADDIS oo xilkaas baneeyay, ayagoo kala hadlay dardargelinta howlaha dib loogu dhisayo ciidanka xoogga dalka oo ay wadaan Midowga Yurub.

Dhanka kale, wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) ayaa la kulmay sarkaalka Midowga Yurub siyaasadda dibadda ee bariga iyo Koonfurta Afrika u qaabilsan ERIC GALVIN, ayagoo isku afgartay in midowga Yurub ay kordhiyaan taageerada Wasaaradda Gaashaandhigga.

Wasiirka difaaca Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe), oo la hadlay warbaahinta qaranka, ayaa sheegay in Midowga Yurub ka caawin doonaan dib u dhiska xeriyaha ciidanka xoogga dalka, kor u qaadista xirfadda shaqaalaha shacabka ah ee wasaaradda iyo arrimaha kale oo muhiim ua ah howlaha wasaaradda.

Wasiirka Gaashandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) ayaa sheegay in ay ku dadaalayaan helitaanka xuquuqda askarta ciidanka Soomaaliya isla markaana loo baahan yahay in loo diyaar garoobo sidii nabad diidka dalka looga xoreyn lahaa.

?
?
?
?
?
?

Previous Post

Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo daahfuray hanaanka gal-dacwadeedka Electarooniga โ€œSawirroโ€

Next Post

Imisa Kulan Ayeey Wada Ciyareen Belguim Iyo France ?

Next Post
Imisa Kulan Ayeey Wada Ciyareen Belguim Iyo France ?

Imisa Kulan Ayeey Wada Ciyareen Belguim Iyo France ?

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐€๐ซ๐๐š๐ฒ๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ž๐ž  ๐ฆ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐ช๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ฃ๐š๐›๐ข๐ฌ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐ฑ๐š๐ช๐ข๐ข๐ฃ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ง ๐ฒ๐จ๐จ๐ฅ ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐š๐ก

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐€๐ซ๐๐š๐ฒ๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ž๐ž ๐ฆ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐ช๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ฃ๐š๐›๐ข๐ฌ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐ฑ๐š๐ช๐ข๐ข๐ฃ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ง ๐ฒ๐จ๐จ๐ฅ ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐š๐ก

September 21, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb-galay munaasabad ay ku qalinjabinayeen arday Soomaaliyeed oo...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

September 21, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil Turki ah oo uu hoggaaminayey...

Danjire Jabriil oo qaabilay Wakiilka Hayโ€™adda WHO ee Soomaaliya

Danjire Jabriil oo qaabilay Wakiilka Hayโ€™adda WHO ee Soomaaliya

September 21, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Kenya, Mudane Danjire Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi, ku qaabilay...

XUSKA MAALINTA CAALAMIGA AH EE NABADDA ADDUUNKA

XUSKA MAALINTA CAALAMIGA AH EE NABADDA ADDUUNKA

September 21, 2026
0

Waxaa xalay magaalada Gaalkacyo lagu qabtay munaasabad lagu xusay Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda Adduunka, oo ku beegan 21-ka Sebtembar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In