Monday, October 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Difaaca iyo Saraakiil ka tirsan Midowga Yurub oo ka wada hadlay qalabaynta Ciidamada XDS “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
12 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Difaaca iyo Saraakiil ka tirsan Midowga Yurub oo ka wada hadlay qalabaynta Ciidamada XDS “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, March 25, 2015..Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa kulan la qaatay saraakiil ka socotay Midowga Yurub kuwaas oo dowladda Soomaaliya ka taageera dhanka tababarka Ciidamada iyo qalabayn-tooda, waxana ay ka wada hadleen dadaallada Dowladda Soomaaliya ugu jirto xasilinta dalka, xoojinta iskaashiga labada dhinac, tababarka iyo qalabeynta ciidamada Xogga dalka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa  uga mahad celiyay taageerada ay mar waliba la garab taagan yihiin dalka Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale ammaanay kaalinta xooggan ee ay saraakiishu ka qaadanayaan dib u dhiska ciidamadda xogga dalka Soomaaliyeed.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

“Kulankani wuxuu  ka tarjumayaa ahmiyadda ay leedahay in la horumariyo dhismaha Ciidanka qalabka sida,  Midowga Yurub waa mid kamid ah saaxiibada Soomaaliya ee xili adag isu taagay in ay gacan qabtaan dadka iyo dalka Soomaaliyeed”ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga oo intaas ku daray.

“Isku-dhafka ciidamada waa mid ka mid ah waxyaalaha mudnaanta sare noo leh, waxanuna natiijo wax-ku-ool ah ka keenaynaa laba iyo tobanka bilood ee soo socda. Waxaad sidoo kale arkaysaan aragtida dhexe iyo tan fog ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, waxaa muhiim ah in aynaan isha ka qabsan taageerada ballaaran ee loo baahan yahay,  Dowladda Soomaaliya mar walba waxay xoogga saareysaa in la helo ciidan awood leh oo hanan kara dalka oo dhan”.

Ugu danbeyn, Saraakiisha ka socotay Midowga Yurub ayaa ballan qaadan in ay kordhin doonaan tababarada ay siiyaan ciidamadda Xogga dalka Soomaaliyeed isla markaana ay gacan buuxda ka siin doonaan dowladda in ay helaan ciidamaddu agabkii ay ku howlgali lahaayeen.

——DHAMMAAD——–

1 2 3 4 5

Previous Post

Isbadallo dhanka horumarka ah oo ka jirta Beladweyne

Next Post

Safiirka Turkiga oo Maanta khudbad u jeediyay ardayda jaamacadda SIMAD{SAWIRRO}

Next Post
Safiirka Turkiga  oo Maanta khudbad u jeediyay ardayda jaamacadda SIMAD{SAWIRRO}

Safiirka Turkiga oo Maanta khudbad u jeediyay ardayda jaamacadda SIMAD{SAWIRRO}

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In