Thursday, December 25, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Difaaca Oo kormeer ku tagey goobo ay dagan yihiin dadkii ka barakacay Dagaalkii Guriceel “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Difaaca Oo kormeer ku tagey goobo ay dagan yihiin  dadkii ka barakacay Dagaalkii Guriceel “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Difaaca Soomaaliya General C/qaadir Sheekh Cali Diini oo socdaal shaqo ku jooga magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, ayaa maanta kormeer ku tagey goobaha miyiga ah ee ay dagan yihiin dadkii ku barakacay dagaalkii dhawaan ka dhacay Guriceel. Waxana uu wasiirku kormeer ku tagey goobo ka baxsan magaalada qiyaastii 2okm, isagoo warbixino ka dhageystay dadka shacabka ah ee barakacay, islamarkaana balan qaaday in dowladda Soomaaliya intii awoodeeda ah ay gurmad u fidin doonto dadka shacabka ee dhibaataysan, caalamka iyo dadka Soomaaliyeed ee wax haystana ugu baaqay in ay soo caawiyaan dadkan dhibaataysan kuwaas oo aysan ilaa iyo hadda wax gar-gaar ah soo gaarin.

Qaar ka mid ah dadkii ka barakacay dagaalka ee ku sugnaa goobihii uu wasiirku booqday ee deegaanka Daahir Fito, iyo Ceel-baraf ayaa uga mahadceliyey Wasiirka sida ay uga go’an tahay in nabad la helo islamarkaana ay shacabku guryahoodii dib ugu laabtaan, waxana ay codsadeen in gurmad lala soo gaaro, dowladduna ay ka shaqayso sidii nabad lagu heli lahaa.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

December 24, 2025
Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.    

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.   

December 24, 2025

Gen. Diini ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay shacabkii deegaanka in ay guryahoodii isaga soo cararaan isagoo xusay in ujeedka ay gobolka u soo gaareen uu yahay sidii loo xalin lahaa dhibaatooyinkii ka dhacay deegaanka, islamarkaana loo soo afjari lahaa dagaalka uu dhiiga badan ku daatay.

“Kormeerka aan maanta idin kugu nimid ahmiyad ayuu noo leeyahay, wuxuuna daba socdaa nabadeyntii aan deegaanka ka wadnay. Dhibaatooyinkii ina soo gaaray 24-kii sano ee la soo dhaafay waan ka gudbi doonnaa haddi intaan Allah kaashanno aan u wada istaagno dadaalkaas. Majiro qof jecel in uu noloshiisa ku qaato goobtan ay idin ku haysato biyo la’aan, Gaajo iyo dhibaatooyin kale oo is biirsaday, dadka Soomaaliyeed ee wax haysta iyo caalamkaba waxaan ugu baaqayaa in loo soo gurmado dadkan dhibaataysan” ayuu yiri Wasiirka Difaaca Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini.

Ugu dambayntii, Wasiirka ayaa ugu baaqay kuwa weli u ooman in ay barakiciyaan shacabka Soomaaliyeed in ay ka waantoobaan, sheegayna in lala xisaabtamayo dadka caadaystay barakicinta dadka maatada ah.

IMG_7956

IMG_7961

IMG_7966

IMG_7977

IMG_7984

IMG_8003

IMG_8019

IMG_8037

IMG_8044

IMG_8047

IMG_8081

IMG_8114

IMG_8121

IMG_8133

IMG_8155

IMG_8188

IMG_8202

IMG_8207

IMG_8220

IMG_8244

IMG_8255

IMG_8264

IMG_8278

IMG_8280

IMG_8284

IMG_8291

IMG_8330

IMG_8332

IMG_8345

IMG_8395

IMG_8421

Previous Post

Maamul u sameynta degmada Balcad oo laga hadlay”SAWIRRO”

Next Post

Xuska sanad guurada 2-aad ee Jimciyadda SOHEDA oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Xuska sanad guurada 2-aad ee Jimciyadda SOHEDA oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Xuska sanad guurada 2-aad ee Jimciyadda SOHEDA oo lagu qabtay Muqdisho "SAWIRRO"

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

December 24, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa ka digay xaalad adag oo ka jirta guud ahaan dhulka...

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.    

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.   

December 24, 2025
0

La-taliyaha Madaxweynaha JFS ee dhinaca dhaqaalaha, ahna Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka, Dr. Xasan Aadan Hoosow, ayaa shaaciyay in ay soo...

Madaxweynaha KGS oo baaq ku aadan abaaraha u diray bulashada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha KGS oo baaq ku aadan abaaraha u diray bulashada Soomaaliyeed.

December 24, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa kormeer shaqo ku gaaray deegaanno ka tirsan Gobolka Bakool, gaar...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay heegan buuxa oo la geliyay Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay heegan buuxa oo la geliyay Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah.

December 24, 2025
0

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in waaxyaha Gurmadka Degdegga ah iyo Caafimaadka ay diyaariyeen gaadiid iyo shaqaale ku filan, kuwaas...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In