Wednesday, March 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Difaaca Oo kormeer ku tagey goobo ay dagan yihiin dadkii ka barakacay Dagaalkii Guriceel “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Difaaca Oo kormeer ku tagey goobo ay dagan yihiin  dadkii ka barakacay Dagaalkii Guriceel “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Difaaca Soomaaliya General C/qaadir Sheekh Cali Diini oo socdaal shaqo ku jooga magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, ayaa maanta kormeer ku tagey goobaha miyiga ah ee ay dagan yihiin dadkii ku barakacay dagaalkii dhawaan ka dhacay Guriceel. Waxana uu wasiirku kormeer ku tagey goobo ka baxsan magaalada qiyaastii 2okm, isagoo warbixino ka dhageystay dadka shacabka ah ee barakacay, islamarkaana balan qaaday in dowladda Soomaaliya intii awoodeeda ah ay gurmad u fidin doonto dadka shacabka ee dhibaataysan, caalamka iyo dadka Soomaaliyeed ee wax haystana ugu baaqay in ay soo caawiyaan dadkan dhibaataysan kuwaas oo aysan ilaa iyo hadda wax gar-gaar ah soo gaarin.

Qaar ka mid ah dadkii ka barakacay dagaalka ee ku sugnaa goobihii uu wasiirku booqday ee deegaanka Daahir Fito, iyo Ceel-baraf ayaa uga mahadceliyey Wasiirka sida ay uga go’an tahay in nabad la helo islamarkaana ay shacabku guryahoodii dib ugu laabtaan, waxana ay codsadeen in gurmad lala soo gaaro, dowladduna ay ka shaqayso sidii nabad lagu heli lahaa.

Related posts

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

March 25, 2026
Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

March 25, 2026

Gen. Diini ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay shacabkii deegaanka in ay guryahoodii isaga soo cararaan isagoo xusay in ujeedka ay gobolka u soo gaareen uu yahay sidii loo xalin lahaa dhibaatooyinkii ka dhacay deegaanka, islamarkaana loo soo afjari lahaa dagaalka uu dhiiga badan ku daatay.

“Kormeerka aan maanta idin kugu nimid ahmiyad ayuu noo leeyahay, wuxuuna daba socdaa nabadeyntii aan deegaanka ka wadnay. Dhibaatooyinkii ina soo gaaray 24-kii sano ee la soo dhaafay waan ka gudbi doonnaa haddi intaan Allah kaashanno aan u wada istaagno dadaalkaas. Majiro qof jecel in uu noloshiisa ku qaato goobtan ay idin ku haysato biyo la’aan, Gaajo iyo dhibaatooyin kale oo is biirsaday, dadka Soomaaliyeed ee wax haysta iyo caalamkaba waxaan ugu baaqayaa in loo soo gurmado dadkan dhibaataysan” ayuu yiri Wasiirka Difaaca Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini.

Ugu dambayntii, Wasiirka ayaa ugu baaqay kuwa weli u ooman in ay barakiciyaan shacabka Soomaaliyeed in ay ka waantoobaan, sheegayna in lala xisaabtamayo dadka caadaystay barakicinta dadka maatada ah.

IMG_7956

IMG_7961

IMG_7966

IMG_7977

IMG_7984

IMG_8003

IMG_8019

IMG_8037

IMG_8044

IMG_8047

IMG_8081

IMG_8114

IMG_8121

IMG_8133

IMG_8155

IMG_8188

IMG_8202

IMG_8207

IMG_8220

IMG_8244

IMG_8255

IMG_8264

IMG_8278

IMG_8280

IMG_8284

IMG_8291

IMG_8330

IMG_8332

IMG_8345

IMG_8395

IMG_8421

Previous Post

Maamul u sameynta degmada Balcad oo laga hadlay”SAWIRRO”

Next Post

Xuska sanad guurada 2-aad ee Jimciyadda SOHEDA oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Xuska sanad guurada 2-aad ee Jimciyadda SOHEDA oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Xuska sanad guurada 2-aad ee Jimciyadda SOHEDA oo lagu qabtay Muqdisho "SAWIRRO"

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

March 25, 2026
0

Boqolaal qoys oo ka mid ah dadka ay saameysay abaarta daran ayaa gargaar biyo dhaamin ah laga gaarsiiyay deegaanno hoostaga...

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

March 25, 2026
0

Arday Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ka gaaray tartan caalami ah oo lagu qabtay dalka Shiinaha, iyagoo matalayay magaca iyo...

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

March 24, 2026
0

Cabdisalaam Maxamed Xasan, Cabdullahi Cusmaan Maxamed, Cabdinaasir Cumar Axmed Subeyr, Faadumo Cismaan Subeyr Cali iyo Leylo Seef Faarax Axmed, Ayaa...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

March 24, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye-Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyaha Taliska Hawlgallada Gaarka ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In