Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keydka Sawirrada

Wasiirka Difaaca oo Kormeeray Xarunta laga dhisayo Kuliyada Saraakiisha Xogga dalka Soomaaliyeed{SAWIRRO}

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Keydka Sawirrada, Wararka
0
Wasiirka Difaaca oo Kormeeray Xarunta laga dhisayo Kuliyada Saraakiisha Xogga dalka Soomaaliyeed{SAWIRRO}
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka  Difaaca Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa maanta kormeer howlleed ku tagay goob laga dhisayo Kuliyada Saraakiisha Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxana kormeerka ku weheliyey Taliyaha Ciidamadda Xogga dalka S/G Daahir Aaden Cilmi iyo saraakiil kale.

Ugu horeyn, Wasiirka ayaa soo kormeeray goobta ay Dowladda Turkigu ka dhisayso xerada, isagoo sidoo kalena Warbixinno ka dhageystay Injineerka howshaasi  gacanta ku haya.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026

Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa tilmaamay in uu aad ugu faraxsanyahay sida ay u socoto dhismaha xerada uu maanta kormeerka ku tagay, isagoo intaasina ku daray in dhismaha xeradan uu muhiim u yahay wasaaradda Difaaca.

“Waxaa wax lagu farxo ah horumarka iyo dhismayaasha cusub ee ka socda xeryaha ciidamadda, waana mid qof walba oo Soomaali ah farxad gelin kara, sidaas darteed waxaan u mahadcelinayaa dowladaha aan walaalaha nahay ee qeybta ka qaadanaya horumarka ciidamadda Soomaaliyeed gaar ahaan dowladda Turkiga oo howshan gacanta ku haysa ”ayuu yiri Wasiirka Difaaca Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini.

Wasiirka Difaaca Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa xusay in Wasaaraddu ay sii wadi doonto howlaha dib u dhiska ah ee lagu sameynayo dhammaanba xarumaha ay leedahay Wasaaradda Difaaca, ayadoo dib u dhiskaasina lala kaashanayo hay’adaha iyo Dowladaha Soomaaliya saaxiibada la ah, wuxuuna ku booriyey shacabka Soomaaliyeed iney gacana ku siiyaan sidii loo soo celin lahaa sharaftii ciidamadda xogga dalka Soomaaliyeed.

 

IMG_6886 IMG_6892 IMG_6898 IMG_6912 IMG_6926 IMG_6940 IMG_6948

Previous Post

Munaasabad bilado lagu gudoonsiinayay Arday Kaalimaha Hore ka gashay Imtixaan oo Muqdisho lagu qabtay

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho 23 02 2015

Next Post
Muxaadaro ka Hadleysa Islaamka iyo Qabyaalada oo uu Caawa Sh Muxamed Macalin Axmed ku qabtay magaalada gaalkacyo

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho 23 02 2015

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In