Sunday, July 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keydka Sawirrada

Wasiirka Difaaca oo Kormeeray Xarunta laga dhisayo Kuliyada Saraakiisha Xogga dalka Soomaaliyeed{SAWIRRO}

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
February 23, 2015
in Keydka Sawirrada, Wararka
0
Wasiirka Difaaca oo Kormeeray Xarunta laga dhisayo Kuliyada Saraakiisha Xogga dalka Soomaaliyeed{SAWIRRO}
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka  Difaaca Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa maanta kormeer howlleed ku tagay goob laga dhisayo Kuliyada Saraakiisha Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxana kormeerka ku weheliyey Taliyaha Ciidamadda Xogga dalka S/G Daahir Aaden Cilmi iyo saraakiil kale.

Ugu horeyn, Wasiirka ayaa soo kormeeray goobta ay Dowladda Turkigu ka dhisayso xerada, isagoo sidoo kalena Warbixinno ka dhageystay Injineerka howshaasi  gacanta ku haya.

Related posts

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

July 13, 2025
Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

July 12, 2025

Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa tilmaamay in uu aad ugu faraxsanyahay sida ay u socoto dhismaha xerada uu maanta kormeerka ku tagay, isagoo intaasina ku daray in dhismaha xeradan uu muhiim u yahay wasaaradda Difaaca.

“Waxaa wax lagu farxo ah horumarka iyo dhismayaasha cusub ee ka socda xeryaha ciidamadda, waana mid qof walba oo Soomaali ah farxad gelin kara, sidaas darteed waxaan u mahadcelinayaa dowladaha aan walaalaha nahay ee qeybta ka qaadanaya horumarka ciidamadda Soomaaliyeed gaar ahaan dowladda Turkiga oo howshan gacanta ku haysa ”ayuu yiri Wasiirka Difaaca Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini.

Wasiirka Difaaca Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa xusay in Wasaaraddu ay sii wadi doonto howlaha dib u dhiska ah ee lagu sameynayo dhammaanba xarumaha ay leedahay Wasaaradda Difaaca, ayadoo dib u dhiskaasina lala kaashanayo hay’adaha iyo Dowladaha Soomaaliya saaxiibada la ah, wuxuuna ku booriyey shacabka Soomaaliyeed iney gacana ku siiyaan sidii loo soo celin lahaa sharaftii ciidamadda xogga dalka Soomaaliyeed.

 

IMG_6886 IMG_6892 IMG_6898 IMG_6912 IMG_6926 IMG_6940 IMG_6948

Previous Post

Munaasabad bilado lagu gudoonsiinayay Arday Kaalimaha Hore ka gashay Imtixaan oo Muqdisho lagu qabtay

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho 23 02 2015

Next Post
Muxaadaro ka Hadleysa Islaamka iyo Qabyaalada oo uu Caawa Sh Muxamed Macalin Axmed ku qabtay magaalada gaalkacyo

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho 23 02 2015

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

July 13, 2025
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas oo khuseeya sugidda Amniga Duulista Rayidka, heshiisyada ay Soomaaliya xubinta ka...

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

July 12, 2025
0

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha Dr Hodan Cusmaan Cabdi, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Beijing ku qaabishay saraakiil dowladeed oo...

Guddoomiyaha SoDMA iyo  Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay  Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha SoDMA iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamed Macalin Cabdulle, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweyne ku‑xigeenka Dowlad...

Wasaaradda Howlaha Guud ee Hirshabeelle oo dhagax-dhigtay dhismaha waddooyinka Beledweyne

Wasaaradda Howlaha Guud ee Hirshabeelle oo dhagax-dhigtay dhismaha waddooyinka Beledweyne

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle  Maxamuud Xasan Bariise, oo uu wehliyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In