Wednesday, January 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Difaaca Oo Soo Gabagabeeyay Socdaalkii Shaqo Uu Ku Joogay Galgaduud Dibna Ugu Soo Laabtay Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Difaaca Oo Soo Gabagabeeyay Socdaalkii Shaqo Uu Ku Joogay Galgaduud Dibna Ugu Soo Laabtay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gen C/qaadir Sheekh Cali Diini Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Federaalka ah Ee Soomaaliya ayaa ka hor inta uusan soo gaba gabeyn Booqashadiisii Gobolka Galgaduud saaka waxaa uu Booqday Xerada Ciidamada Xooga Dalka Ee 21-aad oo ku taala Degmada Dhuusa mareeb Ee Xarunta Gobolka Galgaduud Halkaasi oo uu warbixin la xiriirta Ciidanka kaga dhageystay Taliska Qeybta.

Wasiirka iyo Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud Xuseen Cali wehliye Cirfo waxaa ay Shir jiraa’id ku qabteen Garoonka Diyaaradaha Degmada Duusa Mareeb, iyadoo Guddoomiyaha Gobolka uu mahadnaq balaaran u jeediyay Wasiirka Difaaca Howshii uu ka qabtay intii uu ku sugnaa Guriceel, isagoo balan qaaday in waxyaabaha dhiman uu Maamulka Gobolku dhameystiri doono.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

January 21, 2026
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kormeeray xarunta shirkadda NMDC

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kormeeray xarunta shirkadda NMDC

January 20, 2026

Wasiirka difaaca Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali diini ayaa waxaa uu ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay intii uu ku sugnaa Gobolka Galgaduud waxaana uu sheegay wasiirku in uu ku guuleystay Xalinta Dagaalkii Guriceeel iyo arrimo kale waxaana uu u rajeeeyay Shacabka ku dhaqan Gobolada Mudug iyo Galgaduud in ay u midoobaan Dhismaha Maamul ay yeeshaan.

Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Federaalka ah C/qaadir Sheekh Cali ayaa waxaa uu Gobolka Galgaduud ku tagay socdaal qaatay labo asbuuc iyadoo ujeedka uu halkaa u tagay uu ahaa xalinta Xiisadii ka taagneeed Degmada Guriceeel Arintaas ayaana wasiirka waxaa u suura gashay in uu ku guuleysto Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Dalka ayuuna wasiirku Dib ugu soo laabtay Maanta.

Previous Post

Ra’isul Wasaare Cumar Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay

Next Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

January 21, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa hambalyo diirran u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed,...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kormeeray xarunta shirkadda NMDC

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kormeeray xarunta shirkadda NMDC

January 20, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Afrax, oo ay weheliyaan Agaasimayaal, khubaro...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Koonfur Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Koonfur Afrika

January 20, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Koonfur Afrika, Mudane Cyril Ramaphosa....

Xarunta Safarada Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika oo laga hirgaliyay xafiiska kaarka hay’adda NIRA

Xarunta Safarada Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika oo laga hirgaliyay xafiiska kaarka hay’adda NIRA

January 20, 2026
0

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa xarun cusub ka hirgelisay Xarunta Safarada Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika. Munaasabadda oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In