Wednesday, May 25, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Difaaca Oo Soo Gabagabeeyay Socdaalkii Shaqo Uu Ku Joogay Galgaduud Dibna Ugu Soo Laabtay Muqdisho

March 13, 2015
in Wararka
0
Wasiirka Difaaca Oo Soo Gabagabeeyay Socdaalkii Shaqo Uu Ku Joogay Galgaduud Dibna Ugu Soo Laabtay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gen C/qaadir Sheekh Cali Diini Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Federaalka ah Ee Soomaaliya ayaa ka hor inta uusan soo gaba gabeyn Booqashadiisii Gobolka Galgaduud saaka waxaa uu Booqday Xerada Ciidamada Xooga Dalka Ee 21-aad oo ku taala Degmada Dhuusa mareeb Ee Xarunta Gobolka Galgaduud Halkaasi oo uu warbixin la xiriirta Ciidanka kaga dhageystay Taliska Qeybta.

Wasiirka iyo Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud Xuseen Cali wehliye Cirfo waxaa ay Shir jiraa’id ku qabteen Garoonka Diyaaradaha Degmada Duusa Mareeb, iyadoo Guddoomiyaha Gobolka uu mahadnaq balaaran u jeediyay Wasiirka Difaaca Howshii uu ka qabtay intii uu ku sugnaa Guriceel, isagoo balan qaaday in waxyaabaha dhiman uu Maamulka Gobolku dhameystiri doono.

Related posts

Wasiir Maaliyadda XFS oo dowladda Uk kala hadlay kordhinta taageerada Maaliyadeed

Wasiir Maaliyadda XFS oo dowladda Uk kala hadlay kordhinta taageerada Maaliyadeed

May 25, 2022
Shirka Midowga Afrika oo maanta ka furmaya Equatorial Guinea

Shirka Midowga Afrika oo maanta ka furmaya Equatorial Guinea

May 25, 2022

Wasiirka difaaca Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali diini ayaa waxaa uu ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay intii uu ku sugnaa Gobolka Galgaduud waxaana uu sheegay wasiirku in uu ku guuleystay Xalinta Dagaalkii Guriceeel iyo arrimo kale waxaana uu u rajeeeyay Shacabka ku dhaqan Gobolada Mudug iyo Galgaduud in ay u midoobaan Dhismaha Maamul ay yeeshaan.

Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Federaalka ah C/qaadir Sheekh Cali ayaa waxaa uu Gobolka Galgaduud ku tagay socdaal qaatay labo asbuuc iyadoo ujeedka uu halkaa u tagay uu ahaa xalinta Xiisadii ka taagneeed Degmada Guriceeel Arintaas ayaana wasiirka waxaa u suura gashay in uu ku guuleysto Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Dalka ayuuna wasiirku Dib ugu soo laabtay Maanta.

Previous Post

Ra’isul Wasaare Cumar Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay

Next Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Wasiir Maaliyadda XFS oo dowladda Uk kala hadlay kordhinta taageerada Maaliyadeed

Wasiir Maaliyadda XFS oo dowladda Uk kala hadlay kordhinta taageerada Maaliyadeed

May 25, 2022
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa kulan muhiim ah la qaatay mas’uuliyiinta Dowladda UK oo kala...

Shirka Midowga Afrika oo maanta ka furmaya Equatorial Guinea

Shirka Midowga Afrika oo maanta ka furmaya Equatorial Guinea

May 25, 2022
0

Magaalada Malabo ee dalka Equatorial Guinea waxaa lagu wadaa in uu ka furmo shir madaxeedka aan caadiga ahayn ee Midowga...

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo ka fuliyay Gobolka Baay

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo ka fuliyay Gobolka Baay

May 25, 2022
0

Ciidamada Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB gaar ahaan Ururka 4-aad Guutada 16-aad ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgal qorsheeysan...

Arday lagu laayay Mareykanka

Arday lagu laayay Mareykanka

May 25, 2022
0

Ugu yaraan 18 qof oo Arday u badan ayaa ku dhintay toogasho ka dhacday dugsi hoose oo ku yaalla magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In