Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Duulista Hawada Oo La Kulantay Agaasimayaal Ka Socda Hay’adda Duulista Rayidka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Duulista Hawada Oo La Kulantay Agaasimayaal Ka Socda Hay’adda Duulista Rayidka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya Marwo Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa Kulan lagu daedar galinayo Shaqooyinka Hay’adda Duulista Rayidka ah la qaadatay qayb ka mid ah Agaasimayaasha Hay’adda Duulista Rayidka ah ee Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah ee Soomaaliyeed, waxaana intii kulanku socday lagu soo bandhigay waxyaabihii u qabsoomay Agaasimayaasha waaxyaha ay maanta kulanka la qaadatay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Ku-xigeenka maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ahna Maareeyaha waaxda bixinta adeega hawada Mudane.Cali Jaamac Cabdi iyo maareyaha Garoomada Dalka Mudane. Saciid Maxamed Xuseen ayaa soo bandhigay qorshaha hortabinta leh ee waaxda, iyo sidoo kale shaqooyinka horyaal ee dhawaan la doonayo in la xaqiijiyo yoolashooda.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah Mudane Axmed Cali Xasan ayaa Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Marwo Fardowsa Cismaan si guud uga warbixiyay Qorshayaasha Hay’adda ee Sanadkaan 2022, wuxuuna sheegay in talaabooyinka qorshaysan ay ku salaysan yihiin Qorshaha Qaranka loona fulinayo sida hortabinta leh.

Wasiirka Gaadiidka Marwo Fardowsa Cismaan ayaa Waaxayaha kala duwan ee Hay’adda Duulista Rayidkaah fartay in shaqooyinka la daadajiyo, waxayna sheegtay in Hay’adda Duulista Rayidka shaqooyinkeeda oo horumara ay tahay yoolalka koowaad ee muujinaya Soomaaliya inay yeelanayso Mustaqbal ifaya kaas oo ka tarjumaya dib u dhiska Dawladnimada Soomaliya.

Ugu Dambayn Wasiir Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa sheegtay in kulamada Isla xisaabtanka ee Shaqooyinka kor loogu qaadayo ay joogto noqonayaan, si loo balaariayo adeegyada Shacabka Soomaaliyeed ay siiso Hay’adda H.D.R.S.

Previous Post

Wasiirka Gaashaandhigga Oo Kormeeray Xarumaha Ciidamada Ee Gobolka Hiiraan

Next Post

Ra’iisulwasaare Xamsa oo la kulmay Culimaa’udiinka Soomaaliyeed+Sawirro

Next Post
Ra’iisulwasaare Xamsa oo la kulmay Culimaa’udiinka Soomaaliyeed+Sawirro

Ra’iisulwasaare Xamsa oo la kulmay Culimaa’udiinka Soomaaliyeed+Sawirro

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In