Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa maanta kulankii u horreeyay la yeelatay guddiga shirkadaha diyaaradaha Dalka.
Kulanka ayaa ujeeddadiisu ahayd , xog-wareysi , xoojinta iskaashiga, caqabadaha iyo sidii loo sii amba-qaadi lahaa horumarinta dhinacyada mudnaanta leh.
Wasiirka Fardowsa , ayaa xaqiijisay sida ay go’antahay horumarinta iskaashiga shirkadaha diyaaradaha dal oo ay ku sheegtay inay daruufo kala duwan Dalka ugu soo shaqeeyaan.
“ Maanta waxaan hiigsaneynaa in horumar laga gaaro arrimaha mudnaanta u leh diyaaradaha iyo garoommada,taa oo aan dooneyno si wadajir ah inan uga shaqeyno.” Wasiir Fardowsa ayaa sheegtay.
Waxaa lagu ballamay kulamo kale , si looga miro-dhaliyo iskaashiga , iyadoo Kulanka ay goobjoog u ahaayeen , Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada , Mudane Cali Gacal Gaabow , Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka, Mudane Axmed Macallin Xasan , Maareeye ku-xigeenka Hay’adda Duulista , Mudane Saciid Maxamed iyo Maareeyaha garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cabdulle , Maxamed Saciid Cabdullaahi.