Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada oo sheegay in dib loo howl galinayo Soomaali Airline.

caqiil by caqiil
December 29, 2017
in Wararka
0
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada oo sheegay in dib loo howl galinayo Soomaali Airline.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mudane Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya oo ka qeybgalayay barnamijka kulanka Todobaadka ee ka baxa warbahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay qorshayaal ay wasaaraddu wado,kuwaasi oo  dib loogu soo celinayo adeegyo muhiim u ah bulshada SOomaaliyeed.

Wasiir Oomaar ayaa sheegay in ay haatan wadaan qorshayaal iyo dadaalo ku aadan sidii dib loogu soo celin lahaa adeegii Shirkadii Soomaali Airline oo ah mid muhiimad gaar ah u leh dalka.

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

Wuxuu xusay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadad Xukuumadda Soomaaliya in qorshahaasi oo horey u socday islamarkaana uu meel fiican marayo,isagoo xusay in daraasaad ay sameeyeen ku ogaadeen qaabka ay u shaqeeyaan diyaaradaha watay Calamada Dowladaha,dhawaana ay si rasimi ah u soo celin doonaan adeegyadii ay bixin jirtay shirkadii Soomaali Airline.

“Garoonka Diyaaradaha Muqdisho waa garoon caalami ah,hadda waxaa ku soo dega duulimaadyo caalami ah sida Turkish Airline iyo Jabuuti,Kenya Airways ayaa la filayaya in ay dhawaan duulimaadkeeda Muqdisho bilowdo,wuuna socda qorshahaasi”, ayuu yiri Wasir oomaar.

Dhanka kale waxaa uu soo hadal qaaday baahiyaha loo qabo in la ballaariyo garoonada Diyaaradaha ee kuyaala dhamaan Dalka,isagoo xusay in ay wadaan qorshahaasi ku aadan dib u dhis lagu sameeyo si duulimaadyo caalami ah ay u yimaadaan.

Ugu dambeyntii Wasiirka gaadiidka iyo Duulista Hawadad Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxmed C/llaahi Salaad oomaar ayaa sheegay in dib u habayn lagu sameyn doono adeegyada dhanka Gaadiidka,si loo ogaado gaadiidka habka ay u shaqeeyaan lana is waafajin doono,taasi oo uu ku sheegay in ay sahlayso ogaanshaha macluumaadka gaadiidka guud ahaan dalka,islamarkaana hadda ay ka bilowdeen Muqdisho iyo Koonfur Galbeed.

Previous Post

Maraykanka oo fashiliyay Gaari qarax ah oo kusoo wajahnaa Muqdisho

Next Post

Danjire Michael Keating “2018-ka waxaan ka qayb qaadan doonnaa shaqa abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed”

Next Post
Michael Keating oo Amaanay Midnimada Shacabka Soomaaliyeed

Danjire Michael Keating "2018-ka waxaan ka qayb qaadan doonnaa shaqa abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed"

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In