Wednesday, September 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Oo Boggaadiyay Howlgalada Ka Socda Gobalka Hiiraan

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Oo Boggaadiyay Howlgalada Ka Socda Gobalka Hiiraan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray wuxuu ku boggaadiyay howlgalada ciidanka Xoogga Dalka ka fuliyeen gobalka Hiiraan oo ka tirsan Mamulka Hir-Shabelle.

“Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay boggaadineysaa howlgallada Ciidanka Xooga Dalka oo kashanayo Ciidamada Dowlad-goboleedka Hirshabeelle , ATMIS iyo saaxiibada kale ee Caalamka ka fulinayaan deegaannada Gobollada Hiiraan”.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

September 8, 2026
Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo soo dhaweyn loo sameeyay

Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo soo dhaweyn loo sameeyay

September 8, 2026

Wasiir Cabdiqaadir ayaa sidoo kale ammaanay dowrka wanaagsan oo ay shacabka gobalkaasi ka qaateen sidii cadowga shacabka looga sifeyn lahaa Hiiraan “Waxaan si gaar ah u bogaadineynaa dadka deegaanka oo si mug leh ugu soo baxay in ay ka qeyb qaataan ciribtirka argagixisada si toos ahna uga garab dagaallamayo ciidamada qaranka”.

Sida uu shirkiisa jaraa’id ku sheegay Wasiirka Difaaca argagaxisada ayaa laga xoreeyay deegaano badan oo ka tirsan gobalka Hiiraan “Waxaa mahad ilIlaahay ah in illaa iyo hadda laga xoreeyay cadawga deegaannada Teedaan, Bacda, Beer Gidiid, Jilacle, Madhoy, Hees iyo Deegaannada ku xeeran”.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay u guntadaan sidii aan isaga xoreyn laheyn cadawga argagixisada ah”.

“Wasaaradda Gaashaandhiggu waxa ay ku howlan tahay diyaarinta qorshe ballaaran oo guud ahaan dalka oo dhan looga xoreynaayo argagixisada dhiigmiiradka ah ee caqabadda ku noqday horusocodka, horumarka iyo guud ahaan danaha qaranka”.

“Dhammaan geesiyaasha ciidamada kala duwan ee sida nafhurnimada leh ula dagaallamayo cadwga waxa ay baal dahab ah ka galayaan taariikhda qaran dhiska Soomaaliyeed”. ayuu yiri wasiirka.

Previous Post

Ra’iisal Wasaarihii Hore Oo Ku Baaqay In La Iska Kaashado Ciribtirka Argagixisada

Next Post

Madaxweynaha Puntland Oo Dhaggax Dhigay Wadadda Isku Xirto Magaalooyinka Sheerbi, Dhahar,Xingalool

Next Post
Madaxweynaha Puntland Oo Dhaggax Dhigay Wadadda Isku Xirto Magaalooyinka Sheerbi, Dhahar,Xingalool

Madaxweynaha Puntland Oo Dhaggax Dhigay Wadadda Isku Xirto Magaalooyinka Sheerbi, Dhahar,Xingalool

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

September 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah ugu...

Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo soo dhaweyn loo sameeyay

Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo soo dhaweyn loo sameeyay

September 8, 2026
0

Munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweyn diirran loogu sameeyay Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor Gaashaanle...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya

September 8, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay wehliyaaan Wasiirada Gargaarka iyo Haweenka Koonfur Galbeed, ayaa...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo soo xiray Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta XFS oo soo xiray Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

September 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee maanta soo xiray Shirweynaha Madasha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In