Friday, February 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaashaandhigga “Heshiiska aan galabta saxiixnay ujeedkiisu waa Nabad in lagu wada noolaado”. “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Gaashaandhigga “Heshiiska aan galabta saxiixnay ujeedkiisu waa Nabad in lagu wada noolaado”. “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guriceel, March 5, 2015…Waxaa booqasho ku yimid Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, wafdi ka socda Dowladda F. Soomaaliya oo hoggaaminayo Wasiirka Difaaca General C/qaadir Sheekh Cali Diini. General Maxamed Xaashi Guulleed iyo General C/laahi Cali Caanood oo ka socda taliska guud ee CXDS. Wada hadal iyo wada xaajood dhinacyo badan taabtay oo dhex maray wafdiga dowladda federalka Soomaaliya iyo hoggaanka Ahlusunna ee deegaanka Guriceel, kadib, maanta oo Taariikhdu tahay March 5, 2015 labada dhinac waxay gaareen heshiis KMG ah oo ka kooban shan qodob oo gundhiggiisu yahay soo celinta nabadda iyo in la kala qaado ciidamadda dagaalku dhex maray, dadkuna ay guryahoodii dib ugu soo laabtaan.

Madasha heshiiska lagu saxiixay waxaa goob-joog ka ahaa odayaasha deegaanka, Ganacsato iyo qeybaha bulshada rayidka, waxana qodobada heshiiska oo ay wada saxiixeen Wasiirka Difaaca Soomaaliya General C/qaadir Shekeh Cali Diini iyo Wakiilka Golaha fulinta Ahlusunna Wal-jamaca Sheekh Maxamed Shaakir ay kala yihiin:

Related posts

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

February 20, 2026

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th February, 2026

February 20, 2026

 

  1. Xabad joojin rasmi ah oo ka hirgasha labada dhinac

 

  1. in la kala qaado labada ciidan ee dagaalamay inta wada-hadalku socdo muddo afar (4) casho gudahood ah.

 

  1. in la furo wada-hadal muddo toban (10) bari gudahood ah oo ka bilaabata March 5, 2015  si xal rasmi ah loo gaaro.

 

  1. In labada ciidan ku kala ekaadaan degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ayna joojiyaan gurmad ciidan, saanad IWM inta xal rasmi ah laga gaarayo.

 

  1. In dib loogu soo celiyo magaalada shacabkii dagaallada ku barakacay

 

Wakiilka Guddoomiyaha Golaha Fulinta Ahlusuna Waljamaaca Sheekh Maxamed Shaakir ayaa sheegay dhankooda in ay ka go’an tahay fulinta heshiiskan oo ah mid muhiim ah isla markaana xal lagu gaari karo, isagoo ugu baaqay dhinacyada oo dhan in ay muujiyaan tanaasul si xal rasmi ah loo gaaro.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini oo hoggaaminaya wafdiga dowladda Soomaaliya ee ku sugan deegaanka Guriceel ayaa  u mahadceliyay dadkii dadaalka u galay howshaan in ay soo dhammaato oo qeybtii ugu horeysay maanta lasoo xiray, wuxuuna si gaar ah ugu mahadceliyay Ahlusunna Wal-jamaaca oo mudadii uu wada hadalku socday muujisay biseyl iyo ka go’naasho si xal looga gaaro dagaalkii dhacay.

Gen. C/qaadir ayaa sheegay in hannaankani  uu tallaabo mihiim ah u yahay sidii horay loogu sii wadi lahaa in deegaanka laga dhaqan-galiyo nabad iyo wada noolaansho. Iyadoo maanka lagu hayo mar walba in ay jiri karaan caqabado marka nabad la raadinayo, laakiin taas waxa kaliya oo lagu xallin karaa ay tahay wadatashi, wadahadal iyo gorgortan dhex mara dhammaan dhinacyada ay arrintu khusayso.

“Hawshaan way adkayd, laakiin ugu dambeyntii miro dhal ayay noqotay taas oo ku timid dadaal wada shaqayn  iyo is qancin ku dhisan, kulligeenna waan ku faraxsannahay natiijada laga gaaray wada hadalkii iyo isqancintii. Dowladda Soomaaliya waxay diyaar u tahay hirgelinta iyo dhamaystirka heshiiskan oo ah mid bilow u ah horumar waara oo laga gaaro dagaalkii uu dhiigu ku daatay”ayuu yiri Wasiir Diini.

Ugu dambayn, Wasiirka Difaaca Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa  kula dardaarmay dhinacyada in ay xoojiyaan midnimadooda, kana foogaadaan wax kastoo waxyeeli kara wadajirka iyo walaaltinimadooda. dalkeenuna u baahan yahay xasilooni,  taas oo lagu gaari karo marka lagu dhaqmo sharciga. Iyadoo la higsanayo horumar, isku tashi, amni iyo caddalad.

—-DHAMMAAD—-

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed (8) unnamed

 

Previous Post

Gudoomiyaha Gobolka Sh/Dhexe oo maanta kormeeray mashaariic laga hirgelinayo Jowhar “Sawirro”

Next Post

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

February 20, 2026
0

Hay’adda Qatar Charity, oo kaashanaysa Safaaradda Dowladda Qatar ee Soomaaliya, ayaa si rasmi ah u daahfurtay ololaha bisha barakeysan ee...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th February, 2026

February 20, 2026
0

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th February, 2026 1- President Hassan Sheikh Mohamud chaired a meeting between...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 20-ka February, 2026

February 20, 2026
0

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 20-ka February, 2026 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulan dhexmarey...

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

February 20, 2026
0

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta mucaawinooyin loogu talagalay dadka taagta daran  iyo kuwa barakacayaasha ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In