Friday, January 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidamadda X.D.S oo ka Tacsiyeeyay Geeridii ku timid Marxuum C/qaadir Xaaji Maxamed “Masalle”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidamadda X.D.S oo ka Tacsiyeeyay Geeridii ku timid Marxuum C/qaadir Xaaji Maxamed “Masalle”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, June 26, 2015….Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo Taliska Ciidamadda X.D.S, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diraya dhammaan qoyska,qaraabadii iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday allaha u naxariistee Marxuum C/qaadir Xaaji Maxamed Masalle, oo maanta ku geeriyooday magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Gen. C/qaadir Sh. Cali Diini, ayaa tilmaamay marxuumku in uu ahaa muwaadin jecel horrumarka iyo nabadda Soomaaliya, isla markaana ahaa shakhsi jecel in Soomaaliya ay dib gacmaheeda isu taagto, sidoo kale horumarka iyo nabada Soomaaliya horey uga soo qayb qaatay, muddo dheerna kusoo jiray dowlad dhisidda Soomaaliya.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026

“Innaa Lillaah Wa innaa Ileyhi Raajicuun, geeridu waa xaq, maanta ummadda Soomaaliyeed waxaa ka tagey mid ka mid ah geesiyaashiisii iyo halgamayaashiisii naftooda u hibeeyey u adeegidda qarankan, anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ehelkii, qaraabadii iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuum C/qaadir Xaaji Maxamed Masalle. ayuu yiri Gen. Diini oo dhinaca kale si gooni ah tacsi ugu diray dhammaan qoyska iyo qaraabada uu ka geeriyooday.

“ Marxuumku wuxuu ahaa mid kamid ah tiirarkii aas-aaska u dhigay qaranimada Soomaaliyeed, wuxuu usoo adeeggay dalkan muddo dheer, taarriikh ayuuna ku lahaa ummadiisuna waa qadarin jirtay, waxaan ku tilmaami karaa muwaadin ku shaqeeyay intii uu xilalka kala duwan hayay caddaalad iyo la dhaqanka bulsho kuna sharfanaa meel kasta oo uu wax kasoo noqday” ayuu raaciyey Wasiirka Gaashaandhigga.

Samir iyo Iimaan Ilaahay ha innaga wada siiyo marxuum C/qaadir Xaaji Maxamed Masale oo taariikh fac weyn ku lahaa aadna looga wada qaderin jirey deegaannada Soomaalida oo idil. Naxariistii Janno Eebbaheen isagana ha ka waraabiyo. Aamiin…. Aamiin

—DHAMMAAD—

Previous Post

DAAWO SAWIRRADA XUSKA 26-KA JUUN EE CAAWA LAGU QABTAY MUQDISHO

Next Post

Daawo sawirada raashin laga qaybiyay degmada Dharkenley

Next Post
Daawo sawirada raashin laga qaybiyay degmada Dharkenley

Daawo sawirada raashin laga qaybiyay degmada Dharkenley

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta ka qeybgalay...

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hussein Ali Haji, ayaa maanta ka degay...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

January 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad...

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

January 22, 2026
0

Waxaa Magaaladda Moqdisho lugu soo xiray Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha, oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In