Wednesday, March 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidamadda X.D.S oo ka Tacsiyeeyay Geeridii ku timid Marxuum C/qaadir Xaaji Maxamed “Masalle”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidamadda X.D.S oo ka Tacsiyeeyay Geeridii ku timid Marxuum C/qaadir Xaaji Maxamed “Masalle”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, June 26, 2015….Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo Taliska Ciidamadda X.D.S, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diraya dhammaan qoyska,qaraabadii iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday allaha u naxariistee Marxuum C/qaadir Xaaji Maxamed Masalle, oo maanta ku geeriyooday magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Gen. C/qaadir Sh. Cali Diini, ayaa tilmaamay marxuumku in uu ahaa muwaadin jecel horrumarka iyo nabadda Soomaaliya, isla markaana ahaa shakhsi jecel in Soomaaliya ay dib gacmaheeda isu taagto, sidoo kale horumarka iyo nabada Soomaaliya horey uga soo qayb qaatay, muddo dheerna kusoo jiray dowlad dhisidda Soomaaliya.

Related posts

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

March 4, 2026
DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

March 4, 2026

“Innaa Lillaah Wa innaa Ileyhi Raajicuun, geeridu waa xaq, maanta ummadda Soomaaliyeed waxaa ka tagey mid ka mid ah geesiyaashiisii iyo halgamayaashiisii naftooda u hibeeyey u adeegidda qarankan, anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ehelkii, qaraabadii iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuum C/qaadir Xaaji Maxamed Masalle. ayuu yiri Gen. Diini oo dhinaca kale si gooni ah tacsi ugu diray dhammaan qoyska iyo qaraabada uu ka geeriyooday.

“ Marxuumku wuxuu ahaa mid kamid ah tiirarkii aas-aaska u dhigay qaranimada Soomaaliyeed, wuxuu usoo adeeggay dalkan muddo dheer, taarriikh ayuuna ku lahaa ummadiisuna waa qadarin jirtay, waxaan ku tilmaami karaa muwaadin ku shaqeeyay intii uu xilalka kala duwan hayay caddaalad iyo la dhaqanka bulsho kuna sharfanaa meel kasta oo uu wax kasoo noqday” ayuu raaciyey Wasiirka Gaashaandhigga.

Samir iyo Iimaan Ilaahay ha innaga wada siiyo marxuum C/qaadir Xaaji Maxamed Masale oo taariikh fac weyn ku lahaa aadna looga wada qaderin jirey deegaannada Soomaalida oo idil. Naxariistii Janno Eebbaheen isagana ha ka waraabiyo. Aamiin…. Aamiin

—DHAMMAAD—

Previous Post

DAAWO SAWIRRADA XUSKA 26-KA JUUN EE CAAWA LAGU QABTAY MUQDISHO

Next Post

Daawo sawirada raashin laga qaybiyay degmada Dharkenley

Next Post
Daawo sawirada raashin laga qaybiyay degmada Dharkenley

Daawo sawirada raashin laga qaybiyay degmada Dharkenley

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

March 4, 2026
0

Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatorrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) ayaa kulan wadajir ah ku ansixiyay Dastuurka...

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

March 4, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya: Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay bixinta lacag dhan US$3.88 milyan oo ah caymiska Takaful ee xoolaha, taasoo si...

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

March 4, 2026
0

Muqdisho, Maarso 03, 2026: Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax Axmed Jaamac, iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir...

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 3, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In