Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka Badda iyo Ilaalada Xeebaha Admiral Cabdixamiid Dirir iyo Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Gaashaandhigga ahna ku-simaha Agaasimaha Guud Maxamuud Cali Axmed “Fanax” ayaa kormeer waxay ku tageen xarunta Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, halkaas oo ay kulan kula qaateen Wasiirka Wasaaradda Marwo Maryan Aweys iyo xubno ka tirsan Wasaaradaas.
Kulanka oo ujeedkiisa ahaa dardar-galinta howlaha baaxadda leh Ciidanka Badda iyo ilaalada Xeebaha Soomaaliya ayaa markii uu soo idlaaday waxaa warbaahinta la hadlay Taliyaha Ciidanka Badda Admiral Cabdixamiid Dirir oo xusay in dib-u-habeyn ballaaran lagu sameeyay Ciidanka Badda, isagoo tilmaamay in ay wadaan qorshe ballaaran oo ay ku dardar-galinayaan howlaha shaqo ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay u hayaan.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa tilmamay in kulanka uu ahaa mid miro-dhal ah oo lagu xoojinayay howlaha shaqo ee Ciidanka badda iyo ilaalinta xeebaha Soomaaliya.
Xubnahan ayaa kormeeray qeybo ka mid ah Dekadda Muqdisho iyo xarumaha Cidanka Badda iyo ilaalinta Xeebaha, halkaas oo laga hago howlgelinta ciidanka marka ay howlgallada ka sameynayaan xeebaha Soomaaliya,
Wasaaradda Difaaca Soomaaliya oo ka duuleysa dib-u-habeynta iyo tayeynta ciidamada ayaa wada qorshe ballaaran oo ciidamada badda lagu horumarinayo.