Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaashaandhigga oo booqday furimaha ciidamada Ay ka dagan yihiin duleedka Kismaayo “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Gaashaandhigga oo booqday furimaha ciidamada Ay ka dagan yihiin duleedka Kismaayo “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, oo weheliyaan masuuliyiin ka tirsan maamulka  Jubba, ayaa maanta kormeer howleed ku tagey jiida hore ee fariisimaha ay dagan yihiin ciidamada ka howlgala aagga Jubbooyinka iyo Ciidamadda  AMISOM gaar ahan deegaanka Buulo-guduud oo qiyaastii 30 KM u jira magaalada Kismaayo, waxana uu halkaas kulamo kula qaatay saraakiisha Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Ugu horeyn, Wasiirka ayaa kormeer indho-indhayn ah ku tagay xarun ay dagan yihiin Ciidamaddu oo ku taala duleedka magaalada Kismaayo, waxana uu ugu hambalyeeyey Ciidamada ku sugan aagga dagaalka guulaha ay soo hooyeen, isagoo halkaasi kulan kula qaatay qaar ka mid ah saraakiisha hor kacaysa Ciidamadaasi.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa dhinaca  kale booqasho ku tagey fariisimaha ay ka dagan yihiin ciidamadda ee deegaanka Buulo-guduud, taas oo kamid ah goobaha ay isku horfadhiyaan ciidamadda Dowladda iyo UGUS.

Wasiirka oo la hadlayay Ciidamadda ayaa yiri “Waxaan arkayaa Ciidamo diyaar u ah difaaca dalkooda Hooyo, kana go’an tahay in ay ka xoreeyaan dalka cadowga kusoo duulay, maanta waxaan halkan u joognaa dhamaanteen gudahasha masuuliyadda ina saaran ee ah difaaca dalka, waxaan ku weynay difaacan dhalinyaro iyo dad nagu qaali ahaa, mar walba oo dagaal lagu jira tani oo kale waa dhacaysaa, laakiin isku duubni iyo wadaninimo ayaa looga gudbi karaa”

“Waxaan sii wadi doonaan taageerada iyo isgarabtaagiina, inagoo og duruufaha adag ee jira, hadana ma niyad jabayno, waxaan doonaynaa dhismaha ciidan qaran oo leh muuqaal iyo astaan qaran, kaasi oo la’aantiis aan qaran meel gaari Karin”ayuu yiri Wasiirka Difaaca Mudane C/qaadir Sh. Cali Diini.

Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhigga ayaa hoosta ka xariiqay sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay dhismaha ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed, iyadoo la marayo nidaam ku dhisan caddaalad iyo sinaan, isla markaana ka huffan eex iyo dhinac gooni ah.

IMG_3078 IMG_3108 IMG_3136 (1) IMG_3136 IMG_3173 IMG_3191 IMG_3242 IMG_3298 IMG_3310

Previous Post

Madaxweyne Xasan: “ Shaqaalaha iyo Ciidamada Dowlada Qidmooyin Lagu Caawiyo Qaxootiga Soomaaliyeed Ee Yemen Ayaa Laga Jarayaa”

Next Post

Ciidamo Boliis Ah Oo Tababar Ugu Furmay Beledweyne “Sawirro”

Next Post
Ciidamo Boliis Ah Oo Tababar Ugu Furmay Beledweyne “Sawirro”

Ciidamo Boliis Ah Oo Tababar Ugu Furmay Beledweyne "Sawirro"

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In