Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaashaandhigga oo booqday furimaha ciidamada Ay ka dagan yihiin duleedka Kismaayo “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
May 20, 2015
in Wararka
0
Wasiirka Gaashaandhigga oo booqday furimaha ciidamada Ay ka dagan yihiin duleedka Kismaayo “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, oo weheliyaan masuuliyiin ka tirsan maamulka  Jubba, ayaa maanta kormeer howleed ku tagey jiida hore ee fariisimaha ay dagan yihiin ciidamada ka howlgala aagga Jubbooyinka iyo Ciidamadda  AMISOM gaar ahan deegaanka Buulo-guduud oo qiyaastii 30 KM u jira magaalada Kismaayo, waxana uu halkaas kulamo kula qaatay saraakiisha Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Ugu horeyn, Wasiirka ayaa kormeer indho-indhayn ah ku tagay xarun ay dagan yihiin Ciidamaddu oo ku taala duleedka magaalada Kismaayo, waxana uu ugu hambalyeeyey Ciidamada ku sugan aagga dagaalka guulaha ay soo hooyeen, isagoo halkaasi kulan kula qaatay qaar ka mid ah saraakiisha hor kacaysa Ciidamadaasi.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa dhinaca  kale booqasho ku tagey fariisimaha ay ka dagan yihiin ciidamadda ee deegaanka Buulo-guduud, taas oo kamid ah goobaha ay isku horfadhiyaan ciidamadda Dowladda iyo UGUS.

Wasiirka oo la hadlayay Ciidamadda ayaa yiri “Waxaan arkayaa Ciidamo diyaar u ah difaaca dalkooda Hooyo, kana go’an tahay in ay ka xoreeyaan dalka cadowga kusoo duulay, maanta waxaan halkan u joognaa dhamaanteen gudahasha masuuliyadda ina saaran ee ah difaaca dalka, waxaan ku weynay difaacan dhalinyaro iyo dad nagu qaali ahaa, mar walba oo dagaal lagu jira tani oo kale waa dhacaysaa, laakiin isku duubni iyo wadaninimo ayaa looga gudbi karaa”

“Waxaan sii wadi doonaan taageerada iyo isgarabtaagiina, inagoo og duruufaha adag ee jira, hadana ma niyad jabayno, waxaan doonaynaa dhismaha ciidan qaran oo leh muuqaal iyo astaan qaran, kaasi oo la’aantiis aan qaran meel gaari Karin”ayuu yiri Wasiirka Difaaca Mudane C/qaadir Sh. Cali Diini.

Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhigga ayaa hoosta ka xariiqay sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay dhismaha ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed, iyadoo la marayo nidaam ku dhisan caddaalad iyo sinaan, isla markaana ka huffan eex iyo dhinac gooni ah.

IMG_3078 IMG_3108 IMG_3136 (1) IMG_3136 IMG_3173 IMG_3191 IMG_3242 IMG_3298 IMG_3310

Previous Post

Madaxweyne Xasan: “ Shaqaalaha iyo Ciidamada Dowlada Qidmooyin Lagu Caawiyo Qaxootiga Soomaaliyeed Ee Yemen Ayaa Laga Jarayaa”

Next Post

Ciidamo Boliis Ah Oo Tababar Ugu Furmay Beledweyne “Sawirro”

Next Post
Ciidamo Boliis Ah Oo Tababar Ugu Furmay Beledweyne “Sawirro”

Ciidamo Boliis Ah Oo Tababar Ugu Furmay Beledweyne "Sawirro"

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In