Wasiirka Gaashaandhigga Jen. Cabdulqaadir Shiikh Cali Diini oo ay Weheliaan Taliyaha NISA Qaybta Galmudug Saadaq Cumar Xasan, Taliyaha Booliska Axmed Maxamed Raage iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga ee qaybta 21.aad ayaa maanta u soo xiray tababar soconayay muddo Sadex bilood ah Ciidamo gaaraya 114 oo ka tirsan Qaybta NISA ee Degmada Caabudwaaq.
Taliyaha Ciidamada NISA qaybta dawlad goboleedka Galmudug Gaashaanle sare Saadaq Cumar Xasan ayaa ku soo dhaweeyay xerada tababarka loogu soo xirayay ciidamadan curdan ka ah ee ku soo biiray Xoogaga NISA ee Gobolka waxaana uu sheegay inay u tahay Fursad ka qayb galka Xiritaanka Tababarka Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga Jen. Cabdulqaadir Shiikh Cali Diini.
Wasiir Diini ayaa Munaasabadda lagu soo xirayay Tababarka ka soo jeediyay Qudbad dheer oo isugu jirtay
dhiiragalin iyo waxa laga doonayo oo ah waajibaadka laga rabo ciidanka loo xiray Tababarka waxaana uu ugu dambayn u soo jeediyay Dardaaran ku wajahan gudashada waajibaadkooda.
Ciidankan ayaa noqonaya qaybtii ugu horraysan ee NISA ee loo abuuray sugidda iyo ka shaqaynta amniga Degmada Caabudwaaq.