Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaashaandhigga oo dalka dib ugu soo laabtay-Sawirro

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Gaashaandhigga oo dalka dib ugu soo laabtay-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Gaashaandhigga DF. Soomaaliya, Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kadib socdaal shaqo oo uu ku tagay dalka Mareykanka, waxana garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Cabdallah Xuseen Cali iyo mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga, Waxana uu Wasiirku ka warbixiyay safarkii uu ku gaaray dalka Mareykanka iyo waxyaabihii usoo qabsoomay.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay mudadii ay ku sugnaayeen dalka Mareykanka isaga iyo wafdigii uu Hoggaaminayay R/Wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid, ay kala xaajoodeen madaxda sare ee dalkaas Mareykanka arrimo muhiim oo kamid yihiin dib u dhiska Ciidamadda.

“Dowlada Maraykanku waxay ka qeyb ahayd dalalkii dadka Soomaaliya usoo gurmaday waqtigii lagu jiray dagaalada sokeeye iyo hadda oo dagaal caalami ah lagula jiro kooxo argagixiso ah, waxaan la kulanay madax uu kamid yahay ku xigeenka Xog-yahaya difaaca Mareykanka oo nagu qaabilay xarunta Pentagonka, waxana ay balan qaadeen dib u dhiska ciidamadda Soomaaliya in ay door ka qaadan doonaan”. ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga.

Dhanka kale, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay mas’uuliyiin ka socday shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo wasaaradda ka caawin doonta sameynta aqoonsiga iyo ururinta macluumaadka la xiriira ee ciidanka iyo arrimo kale oo ku saabsan dhismaha ciidamadda, waxana ay balan qaadeen si-deg deg ah in ay uga howl gali doonaan arrimahaas.

IMG_4570 IMG_4586 IMG_4593 IMG_4615

Previous Post

Jaaliyadda Soomaaliya oo Xildhibaano afur ugu sameeyay Johannesburg-Sawirro

Next Post

Mu’asasada SAFA oo deeq lacageed  gaarsiiyay dad  naafo ah-Sawirro

Next Post
Mu’asasada SAFA oo deeq lacageed  gaarsiiyay dad  naafo ah-Sawirro

Mu’asasada SAFA oo deeq lacageed  gaarsiiyay dad  naafo ah-Sawirro

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In