Wednesday, October 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaashaandhigga oo dalka dib ugu soo laabtay-Sawirro

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Gaashaandhigga oo dalka dib ugu soo laabtay-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Wasiirka Gaashaandhigga DF. Soomaaliya, Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kadib socdaal shaqo oo uu ku tagay dalka Mareykanka, waxana garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Cabdallah Xuseen Cali iyo mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga, Waxana uu Wasiirku ka warbixiyay safarkii uu ku gaaray dalka Mareykanka iyo waxyaabihii usoo qabsoomay.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay mudadii ay ku sugnaayeen dalka Mareykanka isaga iyo wafdigii uu Hoggaaminayay R/Wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid, ay kala xaajoodeen madaxda sare ee dalkaas Mareykanka arrimo muhiim oo kamid yihiin dib u dhiska Ciidamadda.

“Dowlada Maraykanku waxay ka qeyb ahayd dalalkii dadka Soomaaliya usoo gurmaday waqtigii lagu jiray dagaalada sokeeye iyo hadda oo dagaal caalami ah lagula jiro kooxo argagixiso ah, waxaan la kulanay madax uu kamid yahay ku xigeenka Xog-yahaya difaaca Mareykanka oo nagu qaabilay xarunta Pentagonka, waxana ay balan qaadeen dib u dhiska ciidamadda Soomaaliya in ay door ka qaadan doonaan”. ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga.

Dhanka kale, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay mas’uuliyiin ka socday shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo wasaaradda ka caawin doonta sameynta aqoonsiga iyo ururinta macluumaadka la xiriira ee ciidanka iyo arrimo kale oo ku saabsan dhismaha ciidamadda, waxana ay balan qaadeen si-deg deg ah in ay uga howl gali doonaan arrimahaas.

IMG_4570 IMG_4586 IMG_4593 IMG_4615

Previous Post

Jaaliyadda Soomaaliya oo Xildhibaano afur ugu sameeyay Johannesburg-Sawirro

Next Post

Mu’asasada SAFA oo deeq lacageed  gaarsiiyay dad  naafo ah-Sawirro

Next Post
Mu’asasada SAFA oo deeq lacageed  gaarsiiyay dad  naafo ah-Sawirro

Mu’asasada SAFA oo deeq lacageed  gaarsiiyay dad  naafo ah-Sawirro

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In