Muqdisho, June 22, 2015……Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa maanta kulan kula qaatay xarunta Wasaaradda, saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana ay ka wada hadleen dar-dar gelinta amniga dalka.
Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya, Sareeyo Guuto. Daahir Aaden Cilmi ayaa Wasiirka warbixin ka siiyey xaaladda amni ee dalka iyo howlgallada kala duwan ee ciidamada xoogga dalku ay ka wadaan gobollada, isagoo xusay in guulo muhiim ah laga gaaray howlgalladii ugu danbeyey, hadana ay soconayaan qorshayal lagu sugayo goobaha laga wareegay Al-shabaab.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sh. Cali Diini, ayaa xusay in kulanka uu muhiim u yahay xaqiijinta ammaanka guud ee dalka, isla markaana la doonayo in la dar-dar geliyo howlaha socda si cadowgu u helin fursad ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed ee sooman. Wasiirka ayaa daboolka ka roggay in kulanka lagu xaqiijinayo howlaha mudnaanta leh si loga guuleysto kooxaha nabadda diidan.
“Maanta waxaan halkan isugu nimid si aan isugu sheegno waajibaadka na saaran, waxaa lagu jiraa waqti xasaasi ah oo loo baahan yahay in la muujiyo feejignaan dheeraad ah, si looga guuleysto cadowga” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga oo xusay Wasaaradda Gaashaandhigga in ay ka go’an tahay ciidamaddu in ay helaan xuquuqda ka maqan, si meesha looga saaro baahida kala duwan ee ciidamaddu qabaan.