Saturday, September 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Si Rasmi Ah Cadaado Uga Furay Kalfdhiga Baarlamaanka Galmudug “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Si Rasmi Ah Cadaado Uga Furay Kalfdhiga Baarlamaanka Galmudug “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa magaalada Cadaado uga qeybgalay Munaasabad lagu dhaarinayey Xildhibaannada Baarlamaanka Dowlad goboleedka Galmudug oo ka kooban gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Munaasabadda oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada Cadaado waxaa kale oo kasoo qeybgalay ku dhowaad wasiir, in ka badan 30 Mudaneyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, odayaal dhaqameedyada soo xulay Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug,musharaxiinta u tartamaya Madaxweynaha maamulka, guddiga farsamada iyo marti sharaf kale.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026

Guddoomiyaha guddiga farsamada maamul u sameynta gobollada dhexe Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yareey) oo munaasbadda ka jeedisay khudbad ay ku faah faahineysay marxaladihii kala gedisnaa ee uusoo maray dhismaha maamulkan waxaana ay xustay in guddiga farsamada ay guul weyn u tahay iney soo gebagebaayaan howshii loo xil saartay oo xilka ay ku wareejiyaan Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka dowladda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Odawaa oo khudbad ka jeediyey munaasabadda ayaa xusay in Wasaaradda Arrimaa gudaha ay aad ugu faraxsan tahay guusha maanta laga gaaray dhismaha maamulka gobollada Mudug iyo Galgaduud wixii hada ka dambeeyana ay Wasaaraddu usoo jeesan doonto dhismaha gobollada Shabeelada Dhexe iyo Hiiraan, waxaana u u mahad celiyey maamullada Ximan iyo Xeeb iyo Galmudug oo heshiiskii ay Muqdisho ku saxiixdeen lagu dhisay maamulkan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo jeediyey khudbaddii ugu dambeysay ee Munaasabadda ayaa ugu horeyn ku dhawaaqay in uu si rasmi ah u furan yahay Kalfadhiga 1aad ee Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug waxaana uu dhanka kale tilmaamay in ay farxad weyn u tahay in maanta uu si rasmi ah u dhaqan galay istiraatiijiyad lagu dhisayo dowlad goboleedyada dalka oo horey loogu dejiyey gobollada Koonfur Galbeed oo aanay meel marin balse maanta laga hirgeliyey gobollada Dhexe.

Golaha Wakiillada dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta si rasmi ah loo dhaariyey intooda badan waxaana ay durbaba guddoon KMG ah u doorteen Xildhibaanka ugu da’da weyn oo noqday Xildhibaan C/laahi Xaashi Warsame waxaana ay maalmaha soo socda dooran doonaan Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug ee gobollada Mudug iyo Galgaduud.

DSC05316 DSC05319 DSC05323 DSC05364 DSC05377 DSC05385 DSC05410 DSC05435 DSC05457 DSC05463

—-DHAMMAAD—-

Previous Post

Madaxweynaha: ‘’Waan soo dhoweynayaa tallaabada Madaxweynaha Kenya uu ku doonayo in la qaado xayiraadda saaran xawaaladaha’’

Next Post

Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay Saraakiisha ciidanka X.D.S, kuna booriyay adkeynta amniga “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay Saraakiisha ciidanka X.D.S, kuna booriyay adkeynta amniga “SAWIRRO”

Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay Saraakiisha ciidanka X.D.S, kuna booriyay adkeynta amniga "SAWIRRO"

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
0

Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa gaarsiisay deeq gargaar raashin ah kumannaan qoys oo nugul oo ku nool deegaanno...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026
0

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda, kaas oo diiradda...

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

September 2, 2026
0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Doha ee Sayniska iyo Tiknoolajiyada (UDST) ayaa magaalada Doxa ku...

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

September 2, 2026
0

Shaqaalaha duulista Kenya ayaa Talaadadii soo afjaray shaqo-joojintii laba maalmood socotay, kaddib markii ay heshiis la gaareen dowladda iyo hay’adaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In