Monday, February 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaashaandhigga oo soo xiray tababar la xiriira sare u qaadidda xirfadda shaqaalaha “SAWIRRO”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Gaashaandhigga oo soo xiray tababar la xiriira sare u qaadidda xirfadda shaqaalaha “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta shaqaalaha Wasaaradda Gaashaandhigga u soo xiray Tababar Muddo Shan maalin ah u socday.

Tababarkan ayaa ku saabsanaa sare u qaadidda xirfadda Hoggaamineed iyo Wada-shaqeynta Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda Gaashaandhigga .

Related posts

Tartamayaasha Gubadleey oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadleey oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka “SAWIRRO”

February 23, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga XFS

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga XFS

February 22, 2026

Munaasabadda lagu soo xirayay tababarka waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo xubno kale oo uu qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaann ee la dagaallanka Musuqa Mudane  Abuukaate  Maxamed Xuseen Xaamud .

Ugu horreyntii Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha iyo Tababarada Wasaaradda Cabdiraxmaan Sheekh Axmed ayaa tilmaamay in muddadii uu Tababarka socday shaqaalaha si wanaagsan ay ugu faa’iideysteen.

Sidoo kale Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Gaashaaandhigga Cali Aadan Xasan oo kulanka ka hadlay ayaa soo dhaweeyay Mas’uuliyiinta kulanka ka soo qeyb galay, isagoo xusay in hoggaaminta suuban ee mas’uuliyiinta Wasaradda Tababarkan ay suura-gelisay.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane  Xasan Maxamed Saciid Samatar (Gacaliye) ayaa sheegay in u jeedka laga leeyahay tababaradan ay tahay horumarinta tayada shaqada iyo sare u qaadidda Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda.

Guddoomiyaha Guddiga  la dagaallanka Musuqa Maxamed Xuseen Xaamud ayaa ku ammaanay mas’uuliyiinta Wasaaradda sida ay ugu go’antahay horumarinta shaqaalaha, waxaana uu sheegay in arintan ay yareyneyso Musuqa  .

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa tilmaamay in ay ka go’antahay horumarinta iyo tayeynta shaqaalaha Wasaaradda Gaashaandhigga, isagoo xusay in aqoontii ay ka faa’iideen tababarkan bulsahada iyo Wasaaradda  ay ugu adeegaan.

Previous Post

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Garoowe ka daah-furay shirka Baahinta qorshaha Istaraatiijiyada 3-aad ee Xafiiska Difaaca xuquuqda Aadanaha ee Puntland “SAWIRRO”

Next Post

Wasaaradda Shaqada oo daah furtay siyaasadda shaqo abuurka Qaranka

Next Post
Wasaaradda Shaqada oo daah furtay siyaasadda shaqo abuurka Qaranka

Wasaaradda Shaqada oo daah furtay siyaasadda shaqo abuurka Qaranka

Tartamayaasha Gubadleey oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadleey oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka “SAWIRRO”

February 23, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga XFS

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga XFS

February 22, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xarunta hay’adda ku qaabbilay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Mudane...

Senator Xasan Kobac oo markale biyo dhaamin u sameeyay qoysas danyar ah

Senator Xasan Kobac oo markale biyo dhaamin u sameeyay qoysas danyar ah

February 22, 2026
0

Hey'adda Xasan Kobac Foundation oo wakiil ka ah Sanator Xasan Kobac ayaa maanta Deeganka Maroodile Ka daah durtay Wajiga Labaad...

Soomaaliya oo hambalyo u dirtay Boqortooyada Sacuudiga

Soomaaliya oo hambalyo u dirtay Boqortooyada Sacuudiga

February 22, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si diirran ugu hambalyaynaysaa Boqortooyada Sacuudi Carabiya aan walaalaha nahay munaasabadda Maalinta Aasaaska, taas oo calaamad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In