Wednesday, April 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka gaashaandhigga Turkiga oo sheegay in ay daafici doonaan Azerbaijan

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
5 years ago
in Wararka
0
Wasiirka gaashaandhigga Turkiga oo sheegay in ay daafici doonaan Azerbaijan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka difaaca Turkiga Hulusi Akar ayaa sheegay in ciidamada Turkiga iyo Russia ay si wadajir ah u difaaci doonaan xuquuqda qarannimo ee dalka Azerbaijan.

“Shaqadeena waxay xoogaysan doontaa marka xarunta howlgalka isku dhafka ah howlgasho, waxaan daafici doonaa xuquuqda walaalaheen Azerbaijan,” ayuu yiri wasiirka oo ka qeybgalay xaflad ciidan goor dambe oo Arbacadii ah.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

April 7, 2026
Wasiir Jaamac oo ku guuleystay  kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204

Wasiir Jaamac oo ku guuleystay kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204

April 7, 2026

Ciidamo Turkiga ayaa horaantii todobaadkan tagay dalka Azerbaijan si ay qeyb ugu noqdaan ciidanka nabad ilaalinta gobolka Nagorno-Karabakh, wefdiga wasiirka waxaa kamid ah taliyaha militiriga Turkiga iyo saraakiil kale.

Turkiga ayaa si weyn loogu xasuustaa taageeradii uu u muujiyay Azerbaijan intii uu socday dagaalkii u dhexeeyay labada dal Azerbaijan iyo Armenia oo ka dhacay gobolka Nagorno Karabakh.

Wasiirka gaashaandhigga Azerbaijan Zakir Hasanov ayaa sheegay in Turkiga uu markasta dhankooda yahay.

Horaantii bishan December, madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev ayaa sheegay in xarunta howlgalada  isku dhafka ah laga sameyn doona magaalada qaddiimiga ah ee Aghdaam.

Azerbaijan iyo Armenia oo horey ugu tirsanaa Midowgii Sufiyeet ayaa 1991 dagaal ku dhex maray gobolka Nagorno Karabakh oo caalamku u aqoonsan yahay in uu ka tirsan yahay Azerbaijan, balse ay ku nool yihiin qowmiyad Armenia ah.

Bishii September 27 ee sanadkan ayaa mar kale labada dal ku dagaalameen gobolka, colaad socotay 44 maalin ka dib waxaa labada dhinac ku heshiiyeen in Armenia isaga baxdo gobolka isla markaana loo gacan geliyo ku dhowaad 30 sano ka dib Azerbaijan.

Previous Post

Madaxweynaha Hirshabeele oo Jowhar ka furay shir dib u heshiisiineyd +Sawirro

Next Post

Tartanka kama dambeysta ah ee Galmudug iyo Banaadir oo ka socoto garoonka Eng, Yariisow

Next Post
Tartanka kama dambeysta ah ee Galmudug iyo Banaadir oo ka socoto garoonka Eng, Yariisow

Tartanka kama dambeysta ah ee Galmudug iyo Banaadir oo ka socoto garoonka Eng, Yariisow

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

April 7, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Hoggaamiyaha Ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur...

Wasiir Jaamac oo ku guuleystay  kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204

Wasiir Jaamac oo ku guuleystay kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204

April 7, 2026
0

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa ku guuleystay kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204,...

Soomaaliya oo la wareegtay kursiga Golaha Nabadda ee Midowga Afrika

Soomaaliya oo la wareegtay kursiga Golaha Nabadda ee Midowga Afrika

April 7, 2026
0

Soomaaliya ayaa maanta, markii ugu horreysay taariikhda, la wareegtay kursiga Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika, tan iyo markii...

MADAXWEYNAHA XASAN SHEEKH OO QAABILAY GUDDOOMIYAHA MAAMULKA DEGMADA BAYDHABO

MADAXWEYNAHA XASAN SHEEKH OO QAABILAY GUDDOOMIYAHA MAAMULKA DEGMADA BAYDHABO

April 7, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay Guddoomiyaha Maamulka Degmada, ahna Duqa magaalada Baydhabo ee Xarunta Ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In