Tuesday, October 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo BJFS ka codsaday inay ansixiyaan heshiiska ku biirista Ciidanka heeganka ee Bariga Afrika 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Gaashandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac, oo Xildhibaannada Golaha Shacabka u akhriyay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay in ay ku biirto ciidanka heeganka Bariga Afrika, isagoo ka codsaday in ay meel mariyaan heshiishkaas.

Mudane, Jaamac ayaa fulinta heshiiskan ka mid noqoshada ciidanka heeganka Bariga Afrika iyo baahiyaha loo qabo ku tilmaamay mid daruuri ah maaddaama uu isbeddelka ku yimid hannaanka difaaca caalamka, sidaa awgeedna loo baahan yahay iskaashi, ka dib markii ay kordheen qataraha waaweyn ee dhanka amniga Adduunka, Afrika, kan gobolka iyo amniga Qaranka Soomaaliyeed.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa horay u ansixiyay heshiiska ku biirista ciidanka difaa bariga Afrika 26/1/2013, wuxuuna Aqalka hoose ee Baarlamaanka ka codsaday in ay meel mariyaan.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, ayaa sheegay in heshiiskani uu fududayn doono kaalmooyinka xagga difaaca ah ee looga baahdo waddamada gobolka, la dagaallanka argagixisada iyo fududeynta suuqa dhaqaale ee Bariga Afrika ee ay haatan ku dedaalka ugu jirto in ay ku biirto Dowladda Soomaaliya.

Ciidanka heeganka Bariga Afrika EASF waxaa ku mideysan Toban dal oo kala ah Burundi, Jabuuti, Ethiopia, Kenya, Rwanda, Seychelles, Soomaaliya, Sudan iyo Uganda.

 

 

Previous Post

Howlgal lagu bur-buriyay Gaadiid iyo Saldhig Khawaarijtu lahayd

Next Post

Guddoomiyaha Maxkamadda Oo kulan la yeeshay Guddoomiyaasha Maxkamadda Racfaanka 

Next Post
Guddoomiyaha Maxkamadda Oo kulan la yeeshay Guddoomiyaasha Maxkamadda Racfaanka 

Guddoomiyaha Maxkamadda Oo kulan la yeeshay Guddoomiyaasha Maxkamadda Racfaanka 

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In