Tuesday, August 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo BJFS ka codsaday inay ansixiyaan heshiiska ku biirista Ciidanka heeganka ee Bariga Afrika 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Gaashandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac, oo Xildhibaannada Golaha Shacabka u akhriyay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay in ay ku biirto ciidanka heeganka Bariga Afrika, isagoo ka codsaday in ay meel mariyaan heshiishkaas.

Mudane, Jaamac ayaa fulinta heshiiskan ka mid noqoshada ciidanka heeganka Bariga Afrika iyo baahiyaha loo qabo ku tilmaamay mid daruuri ah maaddaama uu isbeddelka ku yimid hannaanka difaaca caalamka, sidaa awgeedna loo baahan yahay iskaashi, ka dib markii ay kordheen qataraha waaweyn ee dhanka amniga Adduunka, Afrika, kan gobolka iyo amniga Qaranka Soomaaliyeed.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Turkiga 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Turkiga 

August 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa Carabta

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa Carabta

August 11, 2026

Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa horay u ansixiyay heshiiska ku biirista ciidanka difaa bariga Afrika 26/1/2013, wuxuuna Aqalka hoose ee Baarlamaanka ka codsaday in ay meel mariyaan.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, ayaa sheegay in heshiiskani uu fududayn doono kaalmooyinka xagga difaaca ah ee looga baahdo waddamada gobolka, la dagaallanka argagixisada iyo fududeynta suuqa dhaqaale ee Bariga Afrika ee ay haatan ku dedaalka ugu jirto in ay ku biirto Dowladda Soomaaliya.

Ciidanka heeganka Bariga Afrika EASF waxaa ku mideysan Toban dal oo kala ah Burundi, Jabuuti, Ethiopia, Kenya, Rwanda, Seychelles, Soomaaliya, Sudan iyo Uganda.

Previous Post

Howlgal lagu bur-buriyay Gaadiid iyo Saldhig Khawaarijtu lahayd

Next Post

Guddoomiyaha Maxkamadda Oo kulan la yeeshay Guddoomiyaasha Maxkamadda Racfaanka 

Next Post
Guddoomiyaha Maxkamadda Oo kulan la yeeshay Guddoomiyaasha Maxkamadda Racfaanka 

Guddoomiyaha Maxkamadda Oo kulan la yeeshay Guddoomiyaasha Maxkamadda Racfaanka 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Turkiga 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Turkiga 

August 11, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya- 11 Agoosto, 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa wadahadal...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa Carabta

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa Carabta

August 11, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya – 11 Agoosto 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Waxaan hubaa in wax-soo-saarka beeraha uu muhiim u yahay Dalkeenna”.

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Waxaan hubaa in wax-soo-saarka beeraha uu muhiim u yahay Dalkeenna”.

August 11, 2026
0

Muqdisho, Talaado 11 Agoosto 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah...

Guddoomiyaha SoDMA iyo Taliyaha Ciidanka Cirka oo ka wada hadlay diyaar-garowga Super El Niño

Guddoomiyaha SoDMA iyo Taliyaha Ciidanka Cirka oo ka wada hadlay diyaar-garowga Super El Niño

August 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta kulan la yeeshay Ku-simaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In