Wednesday, November 5, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormeeray xarunta Hay’adda SoDMA

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 months ago
in Wararka
0
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormeeray xarunta Hay’adda SoDMA
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta dhexe ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA). Wasiirka waxaa kormeerkiisa ku wehliyay saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), waxaana halkaas si diirran ugu soo dhoweeyey Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo masuuliyiin kale oo sar-sare oo ka tirsan hay’adda.

Kulanka ay yeesheen labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray xaaladdaha deg-degga ah ee ka dhalatay roobabka Gu’ga ee ka da’ay qaybo badan oo dalka ka mid ah, saameynta ay yeesheen iyo diyaarinta qorsheyaal wax ku ool ah oo lagu caawinayo dadka ay saameeyeen daadadka iyo fatahaadaha.

Related posts

Danjire Jabriil oo qaabilay Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare ee Kenya

Danjire Jabriil oo qaabilay Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare ee Kenya

November 4, 2025
Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc  Lagu Xoojinayo Ka Jawaabidda Masiibooyinka Degdegga ah

Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc Lagu Xoojinayo Ka Jawaabidda Masiibooyinka Degdegga ah

November 4, 2025

Guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa Wasiirka la wadaagay warbixin kooban oo ku saabsan xaaladda beni’aadannimo ee hadda jirta, saadaasha cimilada, iyo heerarka biyaha wabiyada dalka, iyadoo laga duulayo baahida loo qabo in la is waafajiyo gurmadka beni’aadannimo iyo howlgallada milatari ee socda si dalka looga xoreeyo Khawaariijta.

Sidoo kale, kulanka waxaa lagu lafa-guray sidii gargaar deg-deg ah loo gaarsiin lahaa deegaannada laga xoreynayo Khawaariijta iyo sidii shacabka halkaas ku dhaqan loogu fidin lahaa taageero beni’aadannimo oo degdeg ah, si loo xoojiyo xasilooonida.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ammaanay shaqada adag ee ay Hay’adda SoDMA u hayso shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in doorkooda uu yahay mid muhiim u ah samata bixinta bulshada. Wuxuu hay’adda ku dhiirrigeliyay in ay sii laba laabaan dadaallada gurmadka ah, si gaar ahna loo daryeelo dadka nugul ee ay saameeyeen musiibooyinka dabiiciga ah iyo colaadaha.

 

Previous Post

Hay’adda socdaalka oo xarun cusub ka hirgalisay degmada Deyniile

Next Post

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qaybgalay Shirweynaha Bangiga horumarinta Islaamka 

Next Post
Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qaybgalay Shirweynaha Bangiga horumarinta Islaamka 

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qaybgalay Shirweynaha Bangiga horumarinta Islaamka 

Danjire Jabriil oo qaabilay Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare ee Kenya

Danjire Jabriil oo qaabilay Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare ee Kenya

November 4, 2025
0

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa dhankiisa xusay in dowladda Soomaaliya ay ka go'antahay xoojinta...

Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc  Lagu Xoojinayo Ka Jawaabidda Masiibooyinka Degdegga ah

Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc Lagu Xoojinayo Ka Jawaabidda Masiibooyinka Degdegga ah

November 4, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Suleymaan,...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee 2025

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee 2025

November 4, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u daah-furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee la dagaallanka Gaajada

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee la dagaallanka Gaajada

November 4, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qeyb galay Shirkii ugu horreeyey ee hoggaamiyeyaasha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In