Wednesday, March 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Ganacsiga oo magacaabay Guddiga xoojinta tayada iyo suuqgeynta waxsoo saarka dalka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Ganacsiga oo magacaabay Guddiga xoojinta tayada iyo suuqgeynta waxsoo saarka dalka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ka tashiga Caqabadaha heysta ganacsatada qeybahooda kala duwan iyo sida ugu haboon ee looga gudbi karo Laguna horumarin karo dhaqaalaha dalka, loona abuuri karo maalgashi wanaagsan ayuu ku saabsanaa kulankan uu Wasiirka Ganacsiga Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye  la qaatay qaar ka mida Ganacsatada  beeraha,   Kallumeysiga,  Xoolaha iyo shirkadaha wax dhoofsada soona degsada.

Related posts

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

March 24, 2026
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

March 24, 2026

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen Xildhibaan Sacdiyo Careys Ciise oo xubin ka ah Guddiga Ganacsiga ee Golaha Shacabka  iyo Guddoomiye ku-xigeenka rugta Ganacsiga  ayaa la isku weydaarsaday fikrado iyo tusaalooyin kala duwan sida fududeenta canshuurta, dhiirigelinta wax soo saarka dalka, tayeynta badeecadaha dalka soo gala iyo kuwa ka baxa,  iyadoo ugu dambeyn goobta looga dhawaaqay Guddi ay ku mideesanyihiin ganacsatada qeybaheeda kala duwan iyo xubno ka tirsan Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, kaas oo ka shaqeyn doona xoojinta tayada iyo tirada waxyaabaha ay Soomaaliya u suuq geyn karto wadamada  ay ganacsi wadaaga la tahay.

Axmed Sheekh Cabdullahi Warsame Madaxa qeybta Ganacsiga dibadda ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa goobta ka akhriyey magacyada Guddiga la magacaabay iyo shaqada ay qaban doonaan.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa Guddiga la dhisay ku booriyay in ay si wanaagsan u gutaan waajibaadka loo igmaday.

Akhriso magacaabista guddiga

Previous Post

Kulan looga hadlayay xoojinta amniga oo lagu qabtay Gaalkacyo

Next Post

Wasiiro ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo howlo shaqo u tegay Baraawe “SAWIRRO”

Next Post
Wasiiro ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo howlo shaqo u tegay Baraawe “SAWIRRO”

Wasiiro ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo howlo shaqo u tegay Baraawe "SAWIRRO"

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

March 24, 2026
0

Cabdisalaam Maxamed Xasan, Cabdullahi Cusmaan Maxamed, Cabdinaasir Cumar Axmed Subeyr, Faadumo Cismaan Subeyr Cali iyo Leylo Seef Faarax Axmed, Ayaa...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

March 24, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye-Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyaha Taliska Hawlgallada Gaarka ah...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

March 24, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa si rasmi ah u magacawday maamulka...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

March 24, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed Xassan Cabdulle ayaa furay tababar aqoon kororsi ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In