Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka ganacsiga Soomaaliya oo ka warbixiyay Safar uu dhowaan ku tagay Shiinaha

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka ganacsiga Soomaaliya oo ka warbixiyay Safar uu dhowaan ku tagay Shiinaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo Wershadaha xukuumadda FS oo shir jaraaโ€™id ku qabtay Muqdisho, ayaa ka warbixiyey xiriirka Ganacsi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Dalka Shiinaha.

Injineer; Cabdullaahi Cali Xasan, Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo Wershadaha, oo ka mid ahaa wafdi uu hoggaaminayay Raโ€™iisul wasaare ku xigeenka Dalka oo dhowaan booqasho ku tagay Dalka Shiinaha ayaa ka war bixiyay safarkooda iyo ujeeddada ka dambeysay.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Mudane; C/llaahi Cali Xasan ayaa sheegay in ay halkaasi kaga qeyb galeen shirka bandhigga Koowaad ee Waddamada Afrika iyo Shiinaha, wuxuuna xusay in halkaasi lagu soo bandhigay wax soo saarka Dalalka Qaaradda iyo Shiinaha, si loo horumariyo fursadaha maalgashiga, is-kaashiga iyo isu dheelli tirka waxyaabaha ay Labada dhinac isu dhoofiyaan.

Wasiirka ayaa sheegay in ay la kulmeen, Raโ€™uul wasaare ku xigenka Dalka Shiinaha iyo xubno ka tirsan Xukuumaddaasi, waxanay kulankaasi Diiradda ku saareen horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga Labada Dal, iyagoo si wda jir ah u sameeyay guddi dhaqaale.

โ€œLabada dhinac waxay ka wada hadleen sii xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee Labada Dal, waxyaabaha Dal walba uu Dalka kale dhaafsan karo, sidii ganacsatada Soomaaliyeed loogu fududeyn lahaa Fiisaha Dalkaasi, sidii ay Safaaradda Shiinaha si dhammeystiran uga howl geli lahayn Muqdisho, si ay ugu sahasho Dal ku galka ay u baahan yihiin ganacsatada Soomaaliyeed, ayuu yiri Wasiir Xasan.

Dowladaha ayaa sidoo kale ka wada hadlya sidii badeecadaha Soomaaliyeed loogu heli lahaa Suuq, in Shirkadaha Shiinaha lagu dhiirri geliyo in ay maalgashi ku sameeyaan qeybaha kala duwan ee wax soo saarka Soomaaliya, sida kalluumeysiga, Beeraha, Xoolaha iyo qeyraadka kale ee uu Dalku leeyahay.

Wafdiga uu hoggaaminayay Raโ€™iisul wasaaraha Dalka, isla markaana uu qeyb ka ahaa wasiirka ganacsiga Soomaaliya ayaa intii ay halkaa ku sugnaayeen waxay booqdeen Wershadaha sameeya Gaadiidka iyo qalabka culus ee Tareennada.

Bandhiggan oo Labadii Sanaba mar la qabto ayaa daba socday shirkii madasha is-kaashiga Shiinaha iyo Afrika ee 2018-kii lagu qabtay Magaalada Beijing, kulankaas oo uu Soomaaliya xilligaasi uga qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya , Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Previous Post

Millitariga iyo mucaaradka Suudaan oo heshiis gaaray

Next Post

Somalia starts process to integrate Ahlu Sunna forces into the Somali Security Forces

Next Post
Somalia starts process to integrate Ahlu Sunna forces into the Somali Security Forces

Somalia starts process to integrate Ahlu Sunna forces into the Somali Security Forces

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

October 25, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hayโ€™adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hayโ€™adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In