Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Millitariga iyo mucaaradka Suudaan oo heshiis gaaray

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
July 5, 2019
in Wararka
0
Millitariga iyo mucaaradka Suudaan oo heshiis gaaray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa heshiis gaaray golaha Millitariga Suudaan iyo mucaaradka is beddel doonka, sida uu shir jaraa’id ku sheegay Maanta oo Jimaca ah, Mohamed Hassan Lebatt, oo u hadlay guddiga dhex-dhexaadinta Midowga Afrika.

Labada dhinac ayaa isku raacay in la dhiso Guddi isku dhaf ah oo madax bannaan, kaas muddo Saddex Sano ah talada Dalka haynaya, iyagoo Magacaabay gole ka kooban 10 xubnood oo isugu jira Millitari, Rayid iyo Hal hoggaamiye oo u dhexeeya dhinacyada.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025

Golaha ku meel gaarka ah ee Millitariga iyo hoggaamiyeyaasha Rayidka Dalka Suudaan ayaa sidoo kale isku raacay in ay billaabaan baaritaan hufan oo Madax bannaan, si loo ogaado ciddii ka dambeysay rabshadihii Dadka badan lagu dilay ee 3-dii June ka dhacay Magaalada Khartuum.

Waa heshiiskii ugu horreeyay ee ay wada jir u gaaraan Millitariga iyo mucaaradka is beddel doonka Suudaan, tan iyo markii talada laga qaaday Bishii April ee Sanadkan Madaxweynihii hore ee Dalkaasi Cumar Xasan Al-Bashiir.

Previous Post

Fadlan Caawi Muwaadin Soomaaliyeed oo Xaaladiisa Caafimaad aan Dalka Waxba looga qaban karin.

Next Post

Wasiirka ganacsiga Soomaaliya oo ka warbixiyay Safar uu dhowaan ku tagay Shiinaha

Next Post
Wasiirka ganacsiga Soomaaliya oo ka warbixiyay Safar uu dhowaan ku tagay Shiinaha

Wasiirka ganacsiga Soomaaliya oo ka warbixiyay Safar uu dhowaan ku tagay Shiinaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka...

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

July 14, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoominaya kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

July 14, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In