Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Ganacsiga XFS Oo Amaro Duldhigay Bangiyada Ganacsiga Ee Dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
October 3, 2022
in Wararka
0
Wasiirka Ganacsiga XFS Oo Amaro Duldhigay Bangiyada Ganacsiga Ee Dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa isaga oo ka duulaya xaaladda dagaal ee dalku galay, sidoo kale na fulinaya amarada Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee la xiriirta la dagaallanka kooxda Argagaxisada ah ee Al-Shabaab, wuxu kulan la qaatay ganacsatada Bangiyada oo uu kala hadlay siddii kooxdaas argagaxisada ah ee Al-Shabaab looga joojin lahaa dariiq kasta oo dhaqaale iyo mid maaliyaddeed oo ay ka helaan Ganacsatada gaar ahaan lacagaha dhex-mara Bangiyada dalka.

Wasiirku, wuxu ganacsatada ku amray inay joojiyaan nooc kasta oo dhaqaale ama maaliyaddeed oo Al-Shabaab ay ka helaan Bangiyada, waxaana uu carabka ku adkeeyey in ciddii fulin wayda awaamiirta Wasaaradda iyo Dawladda ba ay ka qaadi doonaan tallaabo waafaqsan sharciga isla-mar-ahaantaana ay si dhab ah u la xisaabtami doonaan ciddii fulin wayda.

Related posts

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025

Sidoo kale, wuxu carabka ku adkeeyey in aanay marna suurto-gal ahayn oo aanay aqbalayn in dhaqaale maaliyaddeed oo laga qaaday ganacsatada in lagu gumaado oo lagu xasuuqo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo xusay inay ka dawlad ahaan ka go’an tahay joojinta dariiq kasta oo kooxda Al-shabaab ay lacago kaga hesho ganacsatada.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyeeyay Muwaadiniinta Ku Naf Waayay Weerarka Argagixisanimo Ee Beladweyne

Next Post

Cabdisamad Oo Ka Tirsanaa Argagixisada Al-Shabaab Oo Isku Soo Dhiibay Ciidanka Xoogga

Next Post
Cabdisamad Oo Ka Tirsanaa Argagixisada Al-Shabaab Oo Isku Soo Dhiibay Ciidanka Xoogga

Cabdisamad Oo Ka Tirsanaa Argagixisada Al-Shabaab Oo Isku Soo Dhiibay Ciidanka Xoogga

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa qaaday howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan...

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

July 12, 2025
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud , oo booqasho ku joogo dalka Turkiga, ayaa maanta xarunta madaxtooyada dalkaas kula...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada JFS, Mudane Maxamed Axmed Aadan Macalin, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qaybgalay kulanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In