Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Ganacsiga XFS oo ganacsatada ugu baaqay inay garab istaagaan ciidamada qalabka sida

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
August 19, 2023
in Wararka
0
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa boggaadiyey halganka ciidamada geesiyaasha ah ee qaranku ay dalka kaga ciribtirayaan Khawaarijta dhiigyo cabka ah ee Al-Shabaab. Wuxu si gaar ah u amaanay hoggaminta Madaxweynaha Qaranka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ee la dagaalanka Argagaxisada.

Wasiirka, ayaa wuxu ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay inay adkaysi u yeeshaan wejiga labaad ee halganka isaga oo ku amaanay sidii geesinimada lahayd ee ay u taageereen uga na qeyb qaateen wejigii hore ee lagu la dagaalamayey Khawaarijta oo ahaa mid lagu guulaystay kaas oo lagu xoreeyey deegaano badan sidoo kale na lagu badbaadiyey lacago Malaayiin dollar ah oo ay si baad ah u qaadan jireen Khawaarijtu.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025

Wasiir Jibriil Cabdirashiid Xsaji Cabdi, wuxu Ganacsatada iyo shacabka Soomaliyeed ba ugu baaqay inay garab istaagaan ciidamada geesiyaasha ah, waxaana uu muujiyey in halganka maanta socdaa uu yahay mid xaq ah oo taabanaya jiritaanka umadnimo iyo masiirka dawladnimo ee dalka isla-mar-ahaantaana ay qof walba waajib ku tahay taageeridda halganka iyo garab istaaga ciidamadeena geesiyaasha ah.

Previous Post

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka oo kulan looga hadlayay Amniga kaga qeybgalay Huurshe

Next Post

Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka XFS oo kulamo mira dhal ah la qaatay Madax ka tirsan Dowlado Caalami ah

Next Post
Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka XFS oo kulamo mira dhal ah la qaatay Madax ka tirsan Dowlado Caalami ah

Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka XFS oo kulamo mira dhal ah la qaatay Madax ka tirsan Dowlado Caalami ah

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka...

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

July 14, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoominaya kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

July 14, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In