Thursday, April 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Haweenka oo Baydhabo Ku Qabatay Shir Looga Hadlay Doorka Dumarka ee Siyaasadda +Sawirro

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
5 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Haweenka oo Baydhabo Ku Qabatay Shir Looga Hadlay Doorka Dumarka ee Siyaasadda +Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqul insaanka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xaniifo Maxamed Ibraahim Xaabsade, ayaa maanta magaalada Baydhabo kaga qeybgashay shir qeyb ka ah kulamo isadaba joog ah oo wasaaradda ugu ololeynayso qoonddada haweenka ee ka qeybgalka siyaasadda, kaas oo loo qabtay haweenka Koofur Galbeed.

Wasiirka oo hogaaminaysa wefdi xildhibaano ah oo k tirsan baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo isu xil saaray u qareemidda xuquuq siyaasadeedka dumarka, gaar ahaan ilaalinta qoonddada 30% ah oo ay ku leeyihiin golliyaasha dowladda federaalka Soomaaliya.

Related posts

Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo shir guddoomiyay Madasha Isku Xirka Howlaha Ka Hortagga Fikirka Xagjirka ah

Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo shir guddoomiyay Madasha Isku Xirka Howlaha Ka Hortagga Fikirka Xagjirka ah

April 30, 2026
Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Gaaray Johannesburg kadib Casuumaad uu ka helay Jaaliyadda Soomaaliyeed

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Gaaray Johannesburg kadib Casuumaad uu ka helay Jaaliyadda Soomaaliyeed

April 30, 2026

Kulanka oo ay ka qeybgaleen masโ€™uuliyiin kala duwan ayaa dadkii ka hadlay waxay muujiyeen sida ay ugu qanacsan yihiin hanaanka ay wax u waddo wasaaradda haweenka Soomaaliya oo ay hormuud u tahay wasiir Xaniifa Maxamed Ibraahim.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Koofur Galbeed, Shamso Maxamed Yarow, oo kamid ahaa masโ€™uuliyiintii ka qeybashay kulanka ayaa sheegtay in xuquuq siyaasadeedka dumarka Soomaaliyeed aan wax gor gortan ah la gelinin, iyadoo xustay in Koofur Galbeed ay arrintaas hormuud u tahay.

Wasiirka haweenka Koofur Galbeed, Fahiima Cismaan, ayaa dhankeeda sheegtay in haweenka looga baahan yahay in ay geesinimo la yimaadaan si loo gaaro yoolka la hiigsanayo.

Xaniifo Maxamed Ibraahim (Xaabsade) wasiirka haweenka Soomaaliya, ayaa shirka ka sheegtay in magaalada Baydhabo noqotay meeshii labaad oo ololaha haweenka lagu qabtay isla markaana ay farxad gaar ah u tahay arrintaas.

Waxay sidoo kale xustay in Koofur Galbeed ay tahay meesha ugu badan oo ay ka yimaadeen haweenka ku jira baarlamaanka federaalka Soomaaliya, iyadoo ku amaantay hogaanka Koofur Galbeed oo arrintaas suurtageliyay.

Wasiirka haweenka Soomaaliya ayaa tilmaantay in haweenka ay yihiin kuwa ugu horeeya oo ay saameeyaan sharciyada dalka loo sameynayo sidaas awgeedna waajib tahay in haweenka door ku yeeshaan.

Wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqul insaanka Soomaaliya ayaa waddo olole daaran sidii loo xaqiijin lahaa xuquuqda siyaasadeed ee haweenka Soomaaliya oo ah 30%, wasiir Xaniifa oo arrintaas ka duulaysa ayaana hormuud u ah ololahaas wasaaraddu ku qaban doonto gobolada dalka, sida uu qorshuhu yahay.

Kulankan maanta waxaa ka qeybgalay, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, xildhibaano ka tirsan Koofur Galbeed, wasiirada waxbarashada, diinta iyo awqaafta Koofur Galbeed iyo mas’uuliyiin kale.

Previous Post

Xukuumadda oo ka hadashay hannaanka doorashooyinka, Amniga dalka xilliga doorashada iyo colaadaha ka jira gobollada Mudug iyo Shabeellada Dhexe

Next Post

IOM oo sheegtay in 74 muhaajiriin ah ay ku dhinteen badda Libya

Next Post
Hayโ€™adda IOM oo ka digtay Macluul soo wajahda dalal ay Soomaaliya ka mid tahay.

IOM oo sheegtay in 74 muhaajiriin ah ay ku dhinteen badda Libya

Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo shir guddoomiyay Madasha Isku Xirka Howlaha Ka Hortagga Fikirka Xagjirka ah

Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo shir guddoomiyay Madasha Isku Xirka Howlaha Ka Hortagga Fikirka Xagjirka ah

April 30, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta shir guddoomiyay Madasha Isku Xirka Howlaha Ka Hortagga...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Gaaray Johannesburg kadib Casuumaad uu ka helay Jaaliyadda Soomaaliyeed

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Gaaray Johannesburg kadib Casuumaad uu ka helay Jaaliyadda Soomaaliyeed

April 30, 2026
0

wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadara), ayaa gaaray magaalada...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress

April 30, 2026
0

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ahna Madaxweyne Ku-xigeenka CECAFA Mudane Cali Cabdi Maxamed, ayaa ka mid noqday 54 guddoomiye oo...

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐จ๐จ k๐š q๐š๐ฒ๐› g๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐ƒ๐š๐š๐ก๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐ˆ๐ฌ๐ญ๐š๐ซ๐š๐š๐ญ๐ข๐ข๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐“๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ž๐ž ๐๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐š

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay munaasabadda daahfurka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In