Saturday, March 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Howlaha Guud iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo dhagax dhigay waddo laami ah oo laga dhisayo Baydhabo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Howlaha Guud iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo dhagax dhigay waddo laami ah oo laga dhisayo Baydhabo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Macalin (Maaxamed Soomaali) oo safar shaqo ku jooga magaalada Baydhabo iyo Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa maanta waxa ay si wadajir ah u dhagax dhigeen waddo laami ah oo laga dhisayo gudaha magaalada Baydhabo.

Related posts

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 7, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

March 6, 2026

Waddadaan oo gaareysa Afar kilo mitir ayaa waxaa dhismaheeda iska kaashayaan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koofur Galbeed, waana wajiga koowad ee dhismaha ilaa iyo saddex waddo oo laga hirgelin doono gudaha magaalada Baydhabo.

Wasiirka Wasaaradda howlaha ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Macalin (Maaxamed Soomaali) ayaa sheegay in mashaaric kale oo qeyb-ka ah dhimaha waddooyinka ay ka hirgelin doonaan magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, isla markaana xarunta KMG u ah dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa uga mahadceliyay dowladda Federaalka dhismaha jidadkaan oo marin muhiim iyo halbowle u ah bulshada ku dhaqanka Baydhabo,

Mashruucaan ayaa qeyb ka ah dhismaha waddooyin waa weyn oo ay Wasaaradda Howlaha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ka hirgelineyso dhamaan magaalooyinka dowlad goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir, si loo soo celiyo bilicdii ay hore u lahaayeen iyo sidoo kale dhismaha kuwa kale oo horleh.

Previous Post

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xarigga ka jaray xabsiga dhexe ee Baydhabo “SAWIRRO”

Next Post

Kulan looga hadlayay dar dargelinta howlgallada amni xaqiijinta ee ciidanka isku-dhafka Gobolka Mudug oo lagu qabtay Gaalkacyo “SAWIRRO”

Next Post
Kulan looga hadlayay dar dargelinta howlgallada amni xaqiijinta ee ciidanka isku-dhafka Gobolka Mudug oo lagu qabtay Gaalkacyo “SAWIRRO”

Kulan looga hadlayay dar dargelinta howlgallada amni xaqiijinta ee ciidanka isku-dhafka Gobolka Mudug oo lagu qabtay Gaalkacyo “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 7, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

March 6, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta la afuray cutubyo ka tirsan  Ciidanka Xoogga Dalka, isaga oo ku...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Jeneraal Maxamed Cali Abokor

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Jeneraal Maxamed Cali Abokor

March 6, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh ka diray geerida, Alle ha u naxariistee, Janaraal...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Afur Sharafeed degmada Xamarweyne ugu qabatay Bulshada Banaadiriga

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Afur Sharafeed degmada Xamarweyne ugu qabatay Bulshada Banaadiriga

March 6, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho Afur Sharafeed ugu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In