Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa xafiiskiisa shir kula yeeshay madaxda Hay’adda NIS Foundation.
Wasiir Xuseen iyo madaxda Hay’adda NIS Foundation ayaa ka wada hadlay sidii loo dardar galin lahaa wada shaqaynta ka dhaxaysa Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Hay’adda NIS Foundation.
Waxaa sidoo kale qayb ka ahaa kulanka Agaasimaha hubinta qalabka dhismaha ee Wasaaradda Hawlaha Guud Cabdikariin Xasan Daahir.