Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo dhagax-dhigay dhismaha Xarunta Xogta Qaranka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 15, 2023
in Wararka
0
Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo dhagax-dhigay dhismaha Xarunta Xogta Qaranka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Mudane Jaamac Xasan Khaliif, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha Xarunta Xogta Qaranka oo laga dhisayo magaalada Muqdisho.

Dhismaha Xaruntan wuxuu xoojinayaa adeegyada Teknolojiyadeed ee ay bixiyaan hay’adaha dowladda, waxaana loogu talogalay inay martigeliso xogaha kala duwan ee ay ku shaqeeyaan Hay’adaha dowladda ee bixiya adeegyada teknolojiyadeed.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025

Xaruntan ayaa marka la dhammeystiro dhismaheeda iyo qalabeynteedaba, waxay meel isugu keeni doontaa xarumaha xogta ee ay leeyihiin qaar ka mid ah hay’adaha dowladeed, iyadoo fursad u siin doonta inay qalabkooda keensan karaan xaruntan. Sidaasi darteed, waxay xaruntu fududeyn doontaa adeegyada dowladda ee ay u fidiso shacabka (government to citizens), adeegyada dowladda ee ay fidiso ganacsatada (government to business) iyo adeegyada ka dhexeeya dowladda.

Mudane Mustafa Yaasiin, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), ayaa tilmaamay dowrka muhiimka ah ee xarunta xogta ay ku leedahay buuxinta baahida bulshada Soomaaliyeed ee dhijitaalka, taas oo si xawli u kordheysa. “Xaruntan casriga ah waxay xoojin doontaa oo aasaas u noqoneysaa adeegyada teknolojiyadeed ee dalka, iyadoo buuxin doonta baahida sii kordheysa ee martigelinta iyo habaynta xogta dhijitaalka ah,” ayuu yiri.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda Mudane Jaamac Xasan Khaliif oo dhagax dhigay xarunta ayaa xusay inay guul tahay in la soo gaaray dhagaxdhigga xaruntan. “Xarunta Xogta Qaranka waxay calaamad u tahay tallaabo muhim ah oo horay loo qaaday si loo gaaro ujeedooyinka lagu qeexay siyaasadeena ICT-da qaranka. Waxayna muujineysaa sida ay nooga go’an tahay kor u qaadista horumarka teknoolajiyada iyo baahinta adeegyada dhijitaalka ah.”

 

Previous Post

Guddoomiyaha SoDMa oo Muqdisho ka furay Shir looga hadlayo midaynta Fariimaha looga digayo khataraha

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tegay Dalka Burundi

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tegay Dalka Burundi

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tegay Dalka Burundi

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka...

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

July 14, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoominaya kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

July 14, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In