Ankara- Turki – 17 –Maarso -2018. Waxaa magaalda Ankara ee dalka Turkiga ku sugan wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka bada ee Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaaashi iyo Mas’uulyiin kale, waxayna kulamo kalda duwan la qaateen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda aan walaalaha nahaay ee Turkiga .
Wasiirka oo uu wehlinayay Danjiraha Soomaliya u fadhiya dalka Turkiga Danjire Jamac Cabdullahi Maxamed Caydiid ,Senator Ilyas Cali Xasan iyo lataliyaha Wasiirka ayaa la qaatay kulamo kala duwaan Wasiirka Dhaqaalaha ee dalka Turkiga Mudane Nihat Zeybeci iyo Madaxa hay’ada Horumarinta Caalamiga ah TIKA Dr Serdar Cam.
Wasiirka ayaa kala hadlay Wasiirka Dhaqaalaha ee dalka Turkiga madane Nihat Zeybeci intii uu socday shirka sidii loo hormarinlahaa kalluumaysiga dalka Soomaaliya, maadaama Dowladda Soomaaliya ay baahiwayn uqabto ka faa’idaysiga kheyraadka dalka, si shaqo abuur loogu sameeyo dhallinyarda shaqo la’aanta ah ee ku nool wadanka gudihiisa .
Sidookale Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka badda Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaaashi iyo madaxa hay’ada horumarinta Caalamiga ah TIKA Dr Serdar Cam ayaa ka wada hadlay intii uu shirka socday sidii ay TIKA uga caawin laheyd qalabka kalluumaysiga kalluumaysatada Soomaaliyeed, ugana hirgalin laheyd Warshadaha kalluunka gudaha dalka Soomaaliya si ay bulshada Soomaaliyeed uga faa’idaystaan kheyraadka dalkooda.
Madaxa hay’ada TIKA Dr Serdar ayaa si diiran u soo dhaweeyay kulanka Wasiirka kuna tilmaay wax lagu farxo ayna ka go’antahay sidii ay uga hirgalin lahayeen mashaariicyo farabadan gudaha dalka Soomaaliya ay ugu horayso kheyraadka dalka uu leeyahay.
Ifrah Abdullahi Abdi
Press and Tourism Attache of Somali Embassy in Ankara