Thursday, February 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Kalluumaysiga Soomaaliya oo ka hadlay shirka lagu qabtay kenya 

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Kalluumaysiga Soomaaliya oo ka hadlay shirka lagu qabtay kenya 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray aqoon is-weydaarsiga xiriirka Hay’adaha dowladda

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray aqoon is-weydaarsiga xiriirka Hay’adaha dowladda

February 11, 2026
Guddoomiye ku-xigeenka SoDMA oo qaabilay Christian Saunders

Guddoomiye ku-xigeenka SoDMA oo qaabilay Christian Saunders

February 11, 2026

Wasiirka wasaaradda Kalluumaysiga ee Dowladda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cali Xaashi, ayaa ka hadlay shir ku saabsan Kalluumaysiga Soomaaliya oo ka socda Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Wasiirka ayaa sheegay in kulankani oo ay ka qayb galayaan qaar ka mid ah maamullada Dalka lagu jeex-jexi doono sidii looga faa’iideysan lahaa kalluunka iyo  sidii barnaamijyo shaqa abuur ah loogu samayn lahaa Dhallinyarada Soomaaliyeed.

Mr: Xaashi oo u warramayay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa intaasi raaciyay in ay Nairobi ku yeesheen kulan looga hadlayay wixii kasoo baxay shir ay 10-kii Febaraayo ee Sanadkan ku yeesheen Muqdisho madaxda Dowladda dhexe iyo maamul Goboleedyada, kaasoo ku saabsanaa sidii loo wadaagi lahaa kheyraadka Dalka.

“Waxay ku heshiiyeen meeshii saami ahaan wax loo qaybin lahaa in Lacagta oo dhan Bankiga dhexe lagu shubo, oo marka dambe iyagu iyagoo dhan oo wadar ah ay go’aan ka gaadhaan, marka laba arrimood un bay ku heshiiyeen in dakhligaa loo Isticmaali doono, mid waxaa weeye in arrimaha amniga wax looga qabto , tan Labaadna waxa weeye sidii dhaqaalaha waddanka loogu dhisi lahaa’ Ayuu yidhi Mr; Xaashi.

Shirkan oo ay ka qayb galeen Wasiirrada kalluumaysiga ee Maamul Goboleedyada ayaa sidoo kale lagu lafa guray sidii wax looga qaban lahaa dhaqaale ay Midowga Yurub ku bixiyeen sidii loo jihayn lahaa Dhallinyaradii ka waantoowday howlaha Burcad Badeednimada ee Soomaaliya, kuwaas oo loo abuurayo shaqooyin u badan Kalluumaysi iyo in loo sameeyo qalabkii ay ku howlgali lahaayeen.

Shirarkan looga hadlayo arrimaha kalluumaysiga iyo jihaynta Dhallinyaradii Burcad Badeedda ahayd ayuu sheegay  wasiirku in wixii haatan ka billowda la ballaadhin doono lana gaarsiin doono dhammaan Gobollada Dalka, maaddaama ay yaraadeen weerarradii jirri Badeedda.

Previous Post

Dhageyso: wasaarada hawlaha guud ee XFS oo sheegtay in dib u dayactiri lagu sameynayo xaruunta wasaarada hawlaha guud

Next Post

Dhageyso: Aragtida shacabka soomaaliyeed ee go,aankii barlaamaanka ay ka gareen DP World

Next Post
Dhageyso: Aragtida shacabka soomaaliyeed ee  go,aankii barlaamaanka ay ka gareen  DP World

Dhageyso: Aragtida shacabka soomaaliyeed ee go,aankii barlaamaanka ay ka gareen DP World

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray aqoon is-weydaarsiga xiriirka Hay’adaha dowladda

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray aqoon is-weydaarsiga xiriirka Hay’adaha dowladda

February 11, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa soo xiray aqoon isweydaarsi hal maalin ah oo ku saabsanaa Habraaca...

Guddoomiye ku-xigeenka SoDMA oo qaabilay Christian Saunders

Guddoomiye ku-xigeenka SoDMA oo qaabilay Christian Saunders

February 11, 2026
0

Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Dr. Axmed Cabdi Aadan, oo ay wehliyaan xubno ka tirsan madaxda hay’adda, ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Ciraaq

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Ciraaq

February 11, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ciraaq u qaabilsan...

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo soo dhaweysay xubinimada Golaha Amaanka Midowga Afrika

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo soo dhaweysay xubinimada Golaha Amaanka Midowga Afrika

February 11, 2026
0

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhoweynaysaa guusha taariikhiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku guulaysatay in loo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In