Monday, March 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda oo Kormeeray Kawaaanka Kalluunka Xamarweyne

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda oo Kormeeray Kawaaanka Kalluunka  Xamarweyne
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka cusub ee Wasaaraddda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulaahi Bidhaan Warsame ayaa kormeer shaqo ku tagay Kawaaanka ugu weyn ee Malaayga Degmada Xamarweyne, isagoona u kuur galay marxalada ay ku sugan yihiin dadka ka ganacsada Kalluunka, isagoona mid mid uga dhageystay Warbixino ku saabsan dhaqdhaqaaqa Suuqa.

Guddoomiyaha Iskaashatooyinka Kalluunka Xasan Maxamed Rooble ayaa Wasiirka u sheegay in ay u baahan yihiin in la balaariyo Kawaanadda, si ay u gaarsiiyaan dhamaan Degmooyin ku yaala Gobalka Banaadir.

Related posts

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

March 29, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

March 29, 2026

“Waxaan u baahanahay Kawaano badan si bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Duleedka Magaalada iyo Qaar ka mid Degmooyinka Gobolka uu u gaaro kalluunka si ay kalluumeysatada dhiiri galin ugu noqoto”

Wasiir Cabdulaahi Bidhaan Warsame ayaa sheegay in Wasaaradu ay ka shaqeyneyso Joojinta Maraakiibta Shisheeye ee sida sharci darada ah uga jalaabta Xeebaheena Soomaaliya si ganacsatada Soomaaliyeed ay uga faa’iideysataan

“Waxaan la dagaaleynaa kuwa sida sharci darada uga kallumeysta Xeebaheena si Ganacsatada iyo Qeybaha kala duwan ayu helaan fursadaha ugu badan waana ahmiyadeyna koowaad inaan hormarino Kalluunka hadii aan nahay Soomaali”ayuu yiri Wasiirka.

Waxaa kaloo Wasiirku uu sheegay in ay ka shaqeyn doonaaan sidii loo sameyn lahaa Kawaano aad u badan oo Shacabka u suurtgalin kara in Deegaanadooda ay ka iibsadaan Kalluunka.

Kalluunka waa qeyb ka mid Waxsoosaarka ugu badan Faa’iidada badan ee dalkeenu leeyahay, islamarkaana u baahan in kor loo qaado, Maalgalin balaaran lagu sameeyo, iyadoo xiligan inta badan dadka Soomaaliyeed ay aad u isticmaaleen kalluunka, waxaana Suuqyada waa weyn ee Maagalada Muqdisho ka ganacsiga kalluunka uu yahay mid ku xoogan.

Previous Post

Habka Electroniga ee Maareynta Dacwadaha uu hir geliyaay Xafiiska Xeer-ilaaliyaha oo la Daahfuray

Next Post

Daawo+Sawiiro” Degmooyinka Hobyo iyo Cabudwaaq oo galabta isku arkay Ciyaaraha Galmudug

Next Post
Daawo+Sawiiro” Degmooyinka Hobyo iyo Cabudwaaq oo galabta isku arkay Ciyaaraha Galmudug

Daawo+Sawiiro" Degmooyinka Hobyo iyo Cabudwaaq oo galabta isku arkay Ciyaaraha Galmudug

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

March 29, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta heshiis Is-afgarad la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

March 29, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan mira dhal ah la...

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka furtay kulan Hawleed ku saabsan sare u qaadista Hoggaaminta Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka furtay kulan Hawleed ku saabsan sare u qaadista Hoggaaminta Haweenka

March 29, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay kulan hawleed...

SOMALI NATIONAL FORCES CONDUCT MILITARY OPERATION AGAINST KHARIJITES AL SHABAB IN DAYNUNAY

SOMALI NATIONAL FORCES CONDUCT MILITARY OPERATION AGAINST KHARIJITES AL SHABAB IN DAYNUNAY

March 29, 2026
0

Somali National Security Forces, conducting operations against Kharijites militants, successfully cleared roadblocks set up by the terrorists in Daynunay area...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In