Wasiirka kalluumesiga iyo kheyraadka badda Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Caymooy ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay mas’uuliyin ka socotay hey’adda FAO ee Qaramada Midoobay u qaabilsan cuntada iyo Beeraha, iyadoo ay kulanka goob joog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan labada dhinac.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii hey’adda FAO iyo Wasaaradda kallumesiga ay isaga kaashan lahaayeen sidii tababbaro loo siin lahaa Shaqaalaha Wasarada iyo diyaarinta shir ay isugu imaanayan Wasaarada kallumeysiga iyo Wasaaradaha Kallumeysiga ee maamul goboleedyada dalka ka dhisan.
Agaaisamha guud ee Wasaarada kallumesiga iyo kheyraadka badda Saalax Cabdi Axmed oo kulunka ka dib la hadlay Warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa sheegay inay ka hadleen xoojinta xiriirka labada dhinac, isagoo dhanka kale digniin u diray Maraakiibta Shisheeyaha ee sida sharci darrada doonaya inay ka kalluumeystaan kheyraadka badda.
“Waxaan ka wada hadlenay horumarinta Wasaaradda iyo sidii tababbaro loo siin lahaa shaqalaha Wasaaradda iyo diyaarinta kullumo ay isku imaanayan maamul goboleedyada dalka, sidoo kale waxaan u diraa digniin maraakibta sharci darada ugu kalluumeysto badda”ayuu yiri Agaasimaha guud.