Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Mudane Maxamed Cumar Ceeymooy oo Xafiiskiisa ugu waramay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Guullo la taabankaro ay ku soo afmeermeen dhammaan Kullamo Iyo Shirar Muhiim u ah Howlaha ay Wasaaraddu Ka wado sidii lagu Horumarin lahaa taasi oo ku aadan Kheyraadka Dalka oo uu kula soo qaatay Talyaaniga Iyo Nairobi madax ka tirsan hey’adaha Caalamiga ah sida Hey’adda Cunada Aduunka Ee FAO.
Maxamed Cumar Ceeymoow Wasiirka Wasaaradda Kalluumeeysiga iyo Kheyraadka Badda oo ka warbixiyay dadaalada socda ee Dowliga ah kaasi oo ay ku howlanyihiin Mas’uuliyiinta iyo Madaxda Qaranka simar kale loo soo Nooleeyo Islamarkaana dib loo soo celiyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Dalka, Kaasi oo ay Qayb ka tahay Wasaaradda Kalluumeeysiga iyo Kheyraadka Badda, sida uu sheegay Wasiirku.
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeeysiga iyo Kheyraadka Badda Ayaa Sheegay in Caalamka uu maanta sigaar ah u daneynayo islamarkaana uu muuqdo loolan iyo Tartan dhinaca maalgashiga ah oo ay Doonayaan in Wadamada iyo Hay’adaha aanan Dowliga aheyn ay damacsanyihiin in ay ka faa’iideeystaan Fursadaha maalgashi ee Soomaaliya.